4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2015
Maamulka Khaatumo oo deegaanka Boocame ee Gobolka Sool ka dhisaya Golihiisa Deegaan


Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Kulammo lagu soo dhaweynayay madaxwayne ku xigeenka maamulka Khaatumo, Cabdul Maxamuud Haybe iyo wafdi uu Hoggaaminayay ayaa maalmihii u dambeeyay ka socday dagmada Boocame oo 75-km dhanka Bari kaga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wax-garadka Boocame ayaa si diiran u soo dhaweeyay wafdiga ka socota Khaatumo oo la sheegay in muddo toddobaad ah ku sugnaayeen deegaankaas, iyadoo uu afhayeenka maamulkaas, Maxamuud Sh. Cumar uu sheegay inay deegaankaas ka asaasi doonaa golihii deegaanka.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu xusay in kulammadani ay yihiin kuwa baahi loo qabay oo looga arrinsanayo xoojinta xiriirka maamulka iyo shacabka deegaanka Boocame, ayna xilligan lagama maarmaan ah oo la falanqeynayo sidii loo baahin deegaankan, looguna soo gudbin lahaa maamulka.

Qaar ka mid ah waxgaradka deegaankaas ayaa sheegay in lama maarmaan ay tahay in la taageero maamulka Khatumo, isagoo intaa ku daray in deegaankiisu ay si weyn u daney-nayaan in la aasaaso golaha deegaanka oo magaalooyin badan laga soo hir-galiyay.

Madaxwayne ku xigeenka maamulka Khaatumo, Cabdul Maxamuud oo soo gunaanaday shirkan ayaa sheegay inay siyaasadda koowaad ee maamulkiisu ku salaysan tahy nabad-galyada, wuxuuna ka dhawaajiyay in kulamadan ay ku baadi goobayaan inay ogaadaan arrimaha ka dahsoon maamulka Khaatumo iyo dhaliilaha uu leeyahay intaba.

“Deegaannadeenna cid ogol iyo mid diiddan toona u daba fadhiisan doono, haka soo jeedo amaba yuusan ka soo jeedine,” ayuu mar kale yiri madaxwayne ku xigeenku Khaatumo.

Ugu dabmeyn, kulammadaan u dambeeyay ee ka socday deegaanka Boocame ayaa lagu tilmaami karaa kuwa hurin kara colaado cusub madaama ay deegaannadani yihiin kuwa lagu muransan yahay.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool