4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2015
Xilliga la Dooranayo Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland oo Maanta la Shaaciyay


Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa maanta shaaciyay xilliga guddoomiyaha cusub la dooranayo, iyagoo xusay in doorashadu ay dhici doonto maalinta Isniinta ah ee soo socota.

Xubnaha isku soo taagay doorashada guddoomiyaha baarlmaaanka Puntland ayaa waxaa isku soo sharraxay illaa iyo hadda saddex xubnood oo kala ah; Cabdikariin Dhooba-dareer, Axmed Cali Xaashi iyo Maxamed Axmed.

Haddaba; AKHRISO wareegtada kasoo baxday guddiga doorashada guddoomiyaha golaha baarlmaaanka maamul-goboleedka Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya