4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2015
Xildibaan lagu Dhaawacay Muqdisho & Xarakada Al-shabaab oo sheegatay Mas’uuliyada Weerarka


Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayay kooxo hubeysan maanta ku dhaawaceen Muqdisho, iyadoo mas’uuliyadda dhaawaca xildhibaankanna ay sheegatay Al-shabaab.

Kooxo hubeysan oo gaari watay ayaa xildhibaanka ku dhaawacay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo markii ay dhaawaca geysteen ka baxsaday goobta.

Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne, Cabdulqaadir Maxamed C/qaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhaawaca xildhibaanka loola cararay Isbitaalka, inkastoo aanu sheegin sida uu yahay dhaawaca xildhibaankan baarlamaanka ka tirsanaa.

Sidoo kale, goobjoogaayal ayaa sheegay in xildhibaanka ay xabaduhu kaga dhaceen qaybta sare ee jirkiisa uuna dhaawiciisu culus yahay, waxaana xilliga la weerarayay uu ku socday xarunta baarlamaanka Somalia.

Weerarkan lagu dhaawacay xildhibaan Gurxan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo lagu dilay toddobaadkii hore weerarkii Hotel Saxafi ee Muqdisho xildhibaan Maxamed Cabdi Abtidoon, iyadoo mas'uuliyadda weerarkaas ay Al-shabaab sheegatay.

Ugu dambeyn, magaalada Muqdisho ayaa sannadkan lagu jiro ee 2015-ka waxaa lagu dilay shan xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, oo ay mas’uuliyadda dilalkooda sheegatay Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya