9/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2015
KOONFUR AFRIKA: Lix qof oo Ethiopian ah oo lagu dilay Magaalada Derban ee Kwazulu-Natal


Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Magaalada Durban, gobolka Kwazulu-Natal ee dalka koonfur afrika ayaa lagu dilay labadii bilood ee lasoo dhaafay lix qof oo kasoo jeeda dalka Itoobiya oo qayb ka ah dilalka la xiriira ajaanib naceybka ee ka jira dalkaas.

Yonas Fikru oo ka mid ah ganacsatada Itoobiyaanka ah ee ku dhaqan Koonfur Afrika oo u warramaya idaacadda VOA-da ayaa sheegay in lixda qof ee la dilay midkood nolasha lagu gubay, halka kuwa kalane toogasho lagu dilay xilli kooxo is-abaabulay oo burcad ah ay ku weerareen ganacsiyo ay ku sugnayaan oo ku kala yaalla goobo kala duwan.

"Dilalka loo geeystay lixda qof ee kasoo jeeda dalka Itoobiya waxaana badankood la dilay bishan lagu jiro ee November bilowgeediii, waxaa socday weerar ajnabi-naceyb ah oo lagu bar-tilmameedsanaya ajnabiga gaar ahaan dadka Itoobiyaan ah ee ganacsiyada yar-yar ku leh magaalada Durban,” ayuu yiri Yonas Fikru.

Isago hadalkiisa sii wata ayaa xusay in labo ka mid ah lixda qof ee Itoobiyaanka ah ee la dilay loo dhoofiyay Itoobiya si halkaasi ay eheladooda ugu aastaan, iyadoo haatanna lagu wado in mid kale loo qaado dalka Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Durban oo ka mid ahayd magaalooyinka ugu xasilloon ee ajaanibta Afrikaanka ah ganacsiyada xoogan ay ku lahayeen ayaa xaaladdeedu is-badashay horraantii Sannadkaan kaddib markii boqorka Zuluuga, Goodwill Zwelithini uu ku amray ajnabiga inay isaga baxaan wadanka Koonfur Afrika, isagoo ku eedeeyay inay la waregeen shaqooyinkii dadka Koonfur Afrikaanka ah.

Ugu dambeyn, xilligaas wixii ka dambeeyay gobolkaas ka billowday weerarro ka dhan ah ajaanib-naceyb ah oo galaafyau naf iyo meel ay lahaayeen ajaanibta dalkaas ku nool.

Cumar Muxumed Maxamed
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika