4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2015
Ciidamo ka tirsan Booliiska Maamul-goboleedka Galmudug oo Tababar loo soo xiray (SAWIRRO)


Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Wasaaradda Amniga maamul-goboleedka Galmudug ayaa tababar u soo xirtay 80 askari oo booliis ah, kuwaasoo ka shaqeyn doona ammaanka deegaannada uu ka taliyo maamulkan.

Xaflad tababarka lagu soo xirayay oo ka dhacday saldhigga booliiska deegaanka Galinsoor ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidamada maamulkaas iyo dadweyne kale.

Taliye ku xigeenka booliiskaGalmudug, Col. Cabdi Jaamac C/lle Xabeeb ayaa ka sheegay goobta in tababarka ciidankan lagu bixiyay dadaal iyo hanti badan; loogana baahan yahay ciidamadan inaysan lumen fursadda oo ay bulshada uga faa’iideeyaan.

Agaasimaha maaliyadda Galmudud, C/rashiid Muuse ibraahim oo hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa xusay in wasaaradda maaliyadda Galmudug ay ballan-qaadayso bixinta lacag gaaraysa 193-doollar oo askar walba uu u qaadan doono mushaar ahaan iyo gunno ahaan.

Sidoo kale, wasiiirka amniga Galmudug, Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed) oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa u mahad-celiyay taliyaha booliska Somalia, Jen. Maxamed Xasan Xaamud oo wajigii hore ee tababarkan ciidanka u soo xiray, isagoo sheegay in mas’uuliyadda ciidanka la wareegayso wasaaradda Amniga.

Ugu dambeyn, ciidankan tababarka loosoo xiray oo tiradoodu gaarayso  83 askri ayaa muddo 15 maalmood ah baranayay shuruucda amniga ee ciidanka boolisku ay ku shaqeeyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya