3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2015
Dab khasaare hantiyeed geystay oo xalay ka kacay hoteel ku yaalla Degmada Xamar-weyne - Muqdisho


Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa xalay ka kacay Hoteelka Big Gate oo ku yaalla degmada Xamar-weyne ee Muqdisho, kaasoo ku dhaw waddada Via Rome.

Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne C/qaadir Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku guuleysteen daminta dabkaan khasaaraha u geystay hoteelka inta aanu sii faafin.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in markii ay wareysteen maamulka hoteelka ay u sheegeen inay u maleynayaan in dabku uu ka kacay koronto ama dab ku jiray kushiinka.

Waaxda dab-damiska ee Dowladda Hoose ayaa ku guuleystay inay damiyaan dabkaas, isagoo guddoomiye C/qaadir uu sheegay inaysan jirin khasaare nafeed, sidoo kalena ay sugeen amniga dadka hoteelka degenaa naftooda iyo hantidooda intaba.

Dhinaca kale, maamulka hoteelka ayaan weli wax faahfaahin ah kama aysan bixin weli khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray hoteelkooda, inkastoo badi hoteelka aanu dabka ku faafin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
11/7/2015 11:55 AM EST
Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Xildlhibaan Max'ed Axmed Gurxan ayaa Goor-dhow u geeriyooday dhaawac ay kooxo hubeysan maanta ugu geysteen degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Wasiirka warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye].

11/7/2015 11:21 AM EST
Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Guddiga Hubinta Liiska xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee dhawaan madaxweynaha Somaliland uu magacaabay, ayaa sheegay in aanay wax khalad ahi ku jirin liiska xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.

11/7/2015 11:03 AM EST
Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn oo wareysi siinayay BBC-d ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen dagaalka ay ciidankiisa qaybta ka ah AMISOM kula jiraan Al-shbaaab iyo eedeymo ay warbaahinta madaxa-bannaan u soo jeediyeen xukuumaddiisa.

11/7/2015 10:00 AM EST
Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka shaacisay maanta magaalada Freetown ee xarunta dalka Sierra Leone inuu ka dhammaaday cudurka Ebola, kaasoo 18-bilood ka hor ka dillaacay dalkaas, dilayna in ka badan 4,000 oo qof, dhaqaalaha dalkaasna saameyn xooggan ku yeeshay.

11/7/2015 9:07 AM EST
Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho , Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta kulan la yeeshay shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, isagoo ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladaha ay ku shaqeeyaan, kulana dar-daarmay inay shaqooyinkooda xoojiyaan.

11/7/2015 8:39 AM EST
Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Shirkada diyaaradaha Turkish Airlines ayaa shaacisay in gabi ahaan ay joojisay duulimaadkii ay diyaaradaheedu ku tegi jireen magaalada Sharm el-Sheikh ee dalka Masar, iyadoo sidoo kale la joojiyay duullimaadyadii uga iman Turkiga magaaladaas, sababo la xiriira dhanka ammaanka.

11/7/2015 7:54 AM EST
Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa sheegay inay dileen Jimcihii shalay sagaal xubnood oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab ee Somalia, kaddib howlgallo ay ka sameeyeen howdka Soomaaliya.

11/7/2015 7:27 AM EST
Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Kulammo lagu soo dhaweynayay madaxwayne ku xigeenka maamulka Khaatumo, Cabdul Maxamuud Haybe iyo wafdi uu Hoggaaminayay ayaa maalmihii u dambeeyay ka socday dagmada Boocame oo 75-km dhanka Bari kaga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

11/7/2015 7:10 AM EST
Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa maanta shaaciyay xilliga guddoomiyaha cusub la dooranayo, iyagoo xusay in doorashadu ay dhici doonto maalinta Isniinta ah ee soo socota.

11/7/2015 6:45 AM EST
Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Ra’iisal Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo maalmahaan ku sugnaa dalka Kenya ayaa maanta dhagax-dhigay Safaarada Somalia ay ku lahead Kenya oo mudo badan ka maqneyd gacanta dadka Soomaaliyeed.

11/7/2015 6:30 AM EST
Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayay kooxo hubeysan maanta ku dhaawaceen Muqdisho, iyadoo mas’uuliyadda dhaawaca xildhibaankanna ay sheegatay Al-shabaab.

11/7/2015 6:15 AM EST
Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Magaalada Durban, gobolka Kwazulu-Natal ee dalka koonfur afrika ayaa lagu dilay labadii bilood ee lasoo dhaafay lix qof oo kasoo jeeda dalka Itoobiya oo qayb ka ah dilalka la xiriira ajaanib naceybka ee ka jira dalkaas.

11/7/2015 1:46 AM EST
Sabti, November 07, 2015 (HOL) — Wasaaradda Amniga maamul-goboleedka Galmudug ayaa tababar u soo xirtay 80 askari oo booliis ah, kuwaasoo ka shaqeyn doona ammaanka deegaannada uu ka taliyo maamulkan.