4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2015
Garoon Kubbad oo loogu Magac-daray Danjire Laqanyo oo Xarigga laga jaray (SAWIRRO)


Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Dhismaha garoonkan oo bilihii ugu danbeeyayba soo soctay, ayaa ugu danbeyntii waxaa maanta xarigga ka jiray guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax.

Garoonka ayaa loogu magac-darray alle ha u naxariistee Amb,C/kariin Faarax Laqanyo oo sanadkii 2009kii lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne, kaa oo ay ku dhinteen ku dhawaad 70 ruux oo sidoo kale uu ka mid ahaa wasiirkii hore ee ammniga Cumar Xaanshi Aadan.

Cayaar xiiso badan oo ay u soo daawasho tageen boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid xaafaddaha magaalada Beledweyne, ayaa ku dhaxmartay garoonka kooxo kubada cagta ah oo ka kala socday gobollada Hiiraan & Galguduud, waxaana ay cayaartu kusoo dhamaatay 1-0 oo ay guusho ku raacday kooxda kubada cagta gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xassan Afrax oo hadal u jeediyay cayaartooyada iyo dadkii u soo dhaawasho tagay, ayaa sheegay in dhismaha garoonka laga soo maray maraaxilo kala duwan, hasse ahaatee ugu danbeyntii maanta suurtagashay in rasmi ah xariga looga jarro.

Waxaa uu amaan u jeediyay guddoomiyaha cayaartooyada labada dhinac ee tartanka dhax-maray, isaga oo sheegay in isboortigu qeyb-weyn ka qaato is dhax-galka bulshada iyo xoojinta nabad-galyada.

Dhinaca kale, taliyaha ciidammada Jabuuti ee gobolka Hiiraan Col. Cismaan Dubad oo ka mid ahaa mas'uuliyiinta maanta u soo daawasho tagtay cayaarta, ayaa sheegay in ciidanka Hiil-Walaal qeyb-weyn ka qaadan doonaan soo nooleynta cayaaraha, gaar ahaan siddii loo tayeen lahaa bahda isboortiga gobolka Hiiraan.

Ambassador C/kariin Faarax Laqanayo ayaa marka laga soo tago in uu ahaa diblomaasi, waxaa uu ka mid ahaa cayaartooydii hore ee qaranka, gaar ahaan waxaa uu caan ku ahaa cayaaraha Dabaasha, Biinkaha, iyo Kubada miiska, wuxuuna siddoo kale gacan weyn ka geystay dib u soo nooleyta isboortiga gobolka oo mudadii uu noolaa uu siweyn uga soo shaqeeyay, waana tan keentay in loogu magac-darro garoonka maanta xariga laga jarray.

Qaar ka mid ah dadkii maanta u soo dawaasho tagay garoonka oo qaarkood HOL la hadlay ayaa sheegay in ay siweyn ugu faraxsan yihiin furitaanka garoonka iyo magaca loogu wan-qalay intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya