4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2015
Maamulka Galmudug oo Maamul cusub oo KMG ah u Magacaabay Caabudwaaq [WAREEGTADA]


Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Maamul-goboleedka Gal-mudug ayaa magaalada Caabud-waaq ee gobalka Galguduud u magacaabay maamul KMG ah, kaddib xaflad ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin kala duwan oo xalay ka dhacday degmadaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug, Jaamac Xasan Salaad ayaa xafladdaas ka akhriyay wareegtadii magacaabidda maamulkan, waxaana guddoomiyaha loo magacaabay, Mahad Cumar Cilmi.

Xubnaha maamulkan ayaa ka kooban 14-xubnood, waxay shaqeyn doonaan 90 maalmood, waxayna ka shaqeyn doonaan sidii loo dhisi lahaa maamul aan KMG ahayn oo ay degmada Caabduwaaq yeelato.

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi oo ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu rajeynayo in maamulkan cusub uu noqdo mid amniga iyo kala dambeynta degmada soo celiya.

Dhanka kale, waxaa dib loo dhigay magacaabida taliyaha booliiska degmada Caabudwaaq iyo saraakiisha nabad-galyada, iyadoo madaxdii xafladda ku sugnaa ay kula dar-daarmeen shacabka degmadaas inay la shaqeeyaan maamulkan cusub.

HADDABA; Akhriso Wareegtada magacaabida Maamulka degmada Caabud-waaq:

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya