4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2015
Boqollaal Arday oo ka Qalin-jabiyay Qaar ka mid ah Kulliyadaha Jaamacada Banaadir (SAWIRRO)


Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay arday boqollaal ah oo ka qalin-jabisay siddeed ka mid ah tobanka kulliyadood ee ay Jaamacadda Banaadir ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha xukuumadda iyo baarlamanka Somalia, qaybaha bulshada, haween, abwaaniin, fannaaniin, waaliddiin arday, wakiillo ka socday Premier Bank oo gacan ka geystay qaban-qaabada xafladda iyo marti sharaf kale.

Intii ay xafladdu socotay ayay fannaaniinta kooxda deegaan iyo xubno ka tirsan golaha abwaanada Soomaaliyeed waxay soo bandhigeen suugaan kala duwan oo isugu jirtay heeso, cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka ah, gabayo iyo ruwaayad ka turjumeysay qiimaha waxbarashadu leedahay, iyadoo ay dhinac socdeen su’aalo hal-xiraalayaal ah oo lacago uu bixinayo Premier Bank lagu helayay jawaabahooda.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ka mid ah xubnihii ka hadlay  munaasabaddaan ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin faraxadeed, isagoo xusay inuu u hambalyeynayo ardayda qalin-jabisay; wuxuuna ku dheeraaday ka hadalka asaaskii jaamacada Banaadir iyo marxaladihii ay soo martay, horumarka ay ku talaabsatay iyo qorsheyaasha ay higsaneyso mustaqbalka.

“Maanta waa maalin xusuus mudan, waxaana qalin-jabinaysa 333 aqoon-yahan, kuwaasoo 132 ka mid ay ay yihiin dhakhaatiir ka kooban 81 wiil iyo 51 gabdhood, waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay bahda caafimaadka Somalia, waxaa kaloo maanta naga qalin jabiyay 40 injineer, kulliyada shareecada iyo qanuunka waxaa ka aflaxay 25 aqoon-yahan, kuliyada xannaanada xoolaha 30 aqoon-yahan ayaa ka qalin-jabiyay, kuliyada waxbarashada 39, kuliyadda kombiyuutar sayniska 22, kuliyadda caafimaadka 24 isugu jira umulisooyin iyo kalkaaliyayaal,” ayuu yiri guddoomiye Dalmar oo mustaqbal wanaagsan u rajeeyey ardayda qalin-jabisay.

Sidoo kale, guddoomiyaha guddiga adeegga bulshada ee baarlamanka Somalia, xildhibaan Prof. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa isna sheegay in 132-ka arday ee ka qelin jabiyay kuliyada caafimaadka ay yihiin kuwii ugu badnaa ee mar qura ka qalin jebiya Jaamacadda Banaadir; taasna ay astaan u tahay horumarka ay ku tallaabsatay Jaamacadda mudada 15-ka sano ahayd ee ay jirtay.

Wasiirka ku-xigeenka caafimaadka Somalia Cismaan Maxamed Cabdi Daallo oo ka hadlay isna xafladda ayaa hambalyada guud ka sokow wuxuu sheegay in ardayda qalin-jabiyay, gaar ahaan dhakhaatiirta ay kusoo beegmeen xilli dalka ay ka jirto baahi caafimaad oo loo baahan yahay in wax laga qabto, wuxuuna ballan-qaaday in wasaaradda caafimaadka ay diyaar u tahay inay gacan ku siiso gudashada waajibaadkooda.

C/risaaq Maxamed Axmed oo ka tirsan Bankiga Premier ayaa isagana xaflada ka sheegay in ardayda qalin-jabisay ay u hayaan fursado ay ka mid yihiin adeegga MASTER-CARD oo ay caalamka kaga soo iibsan karaan buugaagta iyo, isagoo ku daray intaas in Bankigu uu fursado maal-gelineed u hayo aqoon-yanada aflaxay, haddii ay la yimaadan hal-abuur ay shaqooyin ku abuuranayaan.

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo ugu dambeyn ka hadlay munaasabadda ayaa yiri. “Wadan kasta horumarkiisa waxaa horseed u ah dadaalka ay muujiyaan aqoon-yahannadiisa, dalalka horumaray ee aad arkeysaan aqoon iyo cilmi-baaris ayay ku gaareen heerkaas, waxaana la idin ka doonayaa inaad sidaas si la mid dadkiina iyo dalkiina u horseedaan horumar. Somalia oo burburka kasoo kabaneysana xilligan idinka iyo kuwa idin la midka ah ayay u baahan tahay.”

Hadallo isugu jiray hambalyo, guubaabo iyo dardaaran ayaa waxaa xaflada kasoo jeediyey mas’uuliyiin ay ka mid yihiin; hormuudka kuliyada caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir, Dr. Maxamed Maxamuud Biday, guddoomiyaha mu'asasadda jaamacadda Banaadir, Prof. C/llaahi Sh. Xuseen Bushkuleeti. guddoomiyaha abwaannada Soomaaliyeed, Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub, afhayeenka golahaas, Cismaan C/llaahi Guurre iyo xubno kale.

Ugu dambeyn, guddoomiye Jawaari iyo madaxii kale ee xafladdaan goob-joogga ka ahaa waxay shahaadooyin guddoonsiiyeen ardaydii ka qalin-jabisay kulliyadaha Jaamacadda Banaadir; waxaana xafladdu ay kusoo dhamaatay jawi farxadeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya