4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2015
BELEDWEYNE: Shirkadda Xawaaladda Kaah oo soo bandhigtay Adeeg Maal-galin ah (SAWIRRO)


Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Shirkadda xawaaladda Kaah ayaa soo bandhigtay manta adeeg cusub oo maal-galin ah; kaddib xaflad lagu qabtay magaalada Beledweyne, waxaana tallaabadan ay qaatay shirkada siweyn u soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxa shirkada Kaah ee gobolka Hiiraan Xiirey Shekh Cabdi oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in horay shirkada mushruucan oo kale uga bilaawday qeybo dalka ka mid ah, hasse ahaatee gobolka Hiiraan noqonayo markii ugu horeysay oo laga her-galiyo, waxaana uu sheegay in si gaar ah arrintan uga faa'ideysan doonaan dadka u baahan in maal-galinta ama shaqo abuur loo sameeyo.

Mar uu ka hadlayay sharuudaha looga baahan yahay qofka codsadaha ah ayuu sheegay; in marka hore qofka codsadaha ah uu soo buuxiyo foomka codsiga, inuu soo gudbiya foomka fikrada ganacsiga, In uu horay ganacsi u lahaa ama uu doonayo in uu bilaabo mid cusub. In ay da'diisa u dhaxayso 18-sano illaa 35 sano, lacagta lasoo dalban karo $5,000. inuu diyaar uu yahay inuu qaato tababbar ku saabsan xirfadaha ganacsiga, muddo 2-3 bilood, inuu soo gudbiyo codsiga ugu dambeyn 21-11-2015.

Waxaa si gaar ah mashruucan u soo dhaweeyay dhallinyarada oo sheegay inay ka faa'iidey-san doonaan gaar ahaan ardeyda ka baxday dugsiyada sare iyo jaamaacadda Magaalada oo intooda badan xiligan aan wax shaqo ah heyn.

Ugu danbeyntii nabadoon Faarax Raage Kooshin ayaa sheegay in shirkadaha ganacsiga loo baahan yahay in soo kordhiyaan mashaariic bulshada looga faa'iideynayo, wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyay shirkada Kaah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya