4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2015
Saraakiil ka tirsan Milateriga Somalia oo Maanta Tababbar loogu soo Xiray Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Somalia ayaa maanta tababar loogu soo xiray xerada Jasiira ee duleedka Muqdisho 20-sarkaal oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Xaflad lagu soo xiraya tababbarka saraakiishan ayaa waxaa ka qaybgalay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Jen. Maxamed Aadan Axmed, saraakiisha Midowga Yurub ee tababarada siiya ciidamada xoogga dalka Somalia, AMISOM iyo saraakiisha hoggaanada ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee tababarida ciidanka Somalia oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay taakuleynta ciidamada xoogga,  isagoo ballan-qaaday inay kordhin doonaan tababarada ciidanka xoogga dalka Somalia.

Sidoo kale, taliyaha CXDS, Jen. Maxamed Aaden Axmed ayaa uga mahad-celiyay ururka Midowga Yurub iyo AMISOM kaalinta ay ka qaadanayaan tababaridda iyo qalabeynta ciidamada xoogga dalka, isagoo saraakiisha tababarka dhameystay ku adkeeyay inay ka faa’iideeystaan xirfadihii ay barteen.

“Waxaan u mahad-naqayaa cid walba oo gacan ka geystay tababarka aad qaadateen, waxaa la idin kusoo xushay ee mas’uuliyadda weyn la idiin saaray maanta waa difaaca dalkiinna Hooyo. Maanta laga billaabo waxaa tihiin saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga, waana inay idinka muuqataa mas’uuliyadaas idin saaran,” ayuu yiri taliyaha millateriga Somalia oo ka hadlayay xafladda.

Ugu dambeyn, Saraakiisha tababbarka maanta loogu soo xiray xerada Jaziira ayaa waxaa shahaadooyin guddoonsiiyay taliyaha ciidamada xoogga Somalia, Jen. Maxamed Aadan Axmed, isagoo ugu hambalyeeyay sida wanaagsan ee ay tababbarka uga soo dhalaaleen. Isagoo u rajeeyay guul iyo horumar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya