4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 5 , 2015
SAWIRRO: Sierra Leone oo lagu wado in looga dhawaaqo in laga Cirib-tiray Cudurka EBOLA


Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Dalka Sierra Leone ayaa la filayaa in Sabtida soo socota looga dhawaaqo in laga cirib-tiray dalkaas cudurka Ebola, iyadoo virus-ka dhaliya cudurkan laga waayay dalkaas muddo 42-maalmood ah.

Arrintan ayaa waxay farxad weyn u tahay shacabka dalkaas oo uu cudurkan ka dilay 4,000 oo qof, inkastoo weli uu cudurkan la dagaalamayo dalka ay dariska yihiin Sierra Leone ee Guinea oo cudurka laga helay bishan lagu jiro ee Oktoobar haweeney 25-jir ah oo uur leh iyo laba carruur ah oo ay dhashay, kuwaas oo ku noolaa degmada Forecariah oo ku dhow xuduudda Sierra Leone ay la leedahay Guinea.

Baaritaanno lagu sameeyay 382-qof oo u dhashay dalka Guinea ayaa 141 qof oo ka mid ah waxaa laga helay cudurka, taasoo xukuumaddu ay ku tilmaantay inay weli khatarta Ebola-ha ka jirto dalkooda.

Madaxa mashruuca ka hortagga Ebola ee dalka Sierra Leone Palo Conteh oo kula hadlay warbaahinta Arbacadii xarunta dalkaas ee Freetown ayaa xusay in aysan jirin dabaal-dagyo ay xilligan u qabanayaan soo afmeeridda cudurka Ebola.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa lagu wadaa inay rasmi ahaan uga shaaciso magaalada Freetown ee xarunta dalka Sierra Leone Sabtida soo socota in cudurka Ebola uu ka dhammaaday Sierra Leone.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan muddo ka shaqeynayay si aan uga badbaadinno ummadda cudurkan halista ah. Haddii aanay imaan lahayn dalkan kooxaha caafimaadka ee cudurka la dagaalankiisa gacanta ka geystay waxay ila tahay in shacabka Sierra Leone uu cudurkan dhibaato xooggan u geysan lahaa,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan WHO oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Sarkaalka oo sii hadlayay ayaa mar kale yiri. “Markii dalkan Sierra Loene aan imaanaynay ma aanan awoodin inaan cudurka ka adkaanno, laakiinse markii aan dagaal adag la galanay waan ka guuleysannay.”

Tan iyo bishii December ee 2013-kii oo ahayd markii ugu xumeyd ee cudurkaan Ebola uu ka dillaacay Afrika ayaa wuxuu asiibay 28,500 qof, kuwaasoo 11,300 oo ka mid ahaa ay u geeriyoodeen cudurkan.

Dhanka kale, madaxweynaha Sierra Leone, Ernest Bai Koroma ayaa 24-kii bishii Ogoosto ee lasoo dhaafay wuxuu ka qaybgalay xaflad loogu dabaal-dagayay in dalkiisa uu cudurka Ebola ka dhamaaday, balse laba toddobaad kaddib ayuu cudurku dilay haweeney 67-jir ah, iyadoo maalmo yar kaddibna ay u dhimatay gabar 16-jir ahayd.

Ugu dambeyn, kooxaha caafimaadka ee la dagaallamayay cudurka Ebola ayaa ka sheegay caasimadda Sierra Leone in baaritaanno ay wadeen muddo 42-casho ah ay dalkaas kaga waayeen Virus-ka cudurka Ebola, taasoo keentay in Sabtida soo socota lagu dhawaaqo in cudurka Ebola laga cirib-tiray dalka Sierra Leone.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya