4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2015
Golaha Wasiirrada oo Warbixinno ka dhageystay Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirrada XF Somalia


Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumada Somalia oo maanta shirk u yeeshay Muqdisho ayaa warbixinno looga dhegeystay xubno ka tirsan guddiga gur-madka abaaraha oo howshiisii u kuur-gelida iyo xog uruurinta weli kasii wada gobollada dalka, gaar ahaan kuwa laga cabsida qabo inay waxyeellooyin u geysataan fatahaadaha iyo roobabka El Nino iyo sidoo kale warbixino laga dhegeystay xubno ka tirsan wasiirrada oo safarro shaqo ku tagay waddamo dibadda ah.

Kulankan ayaa sidoo kale looga dhageystay warbixin dheer wasiirka caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed, iyadoo soo bandhigtay warbixinno la xiriira waxqabadka wasaaradda iyo qorshe ku aaddan hagaajinta xiriirka wasaarada iyo hay’adaha ku shaqada leh caafimaadka ee hoos-taga QM, waxayna tilmaantay in howlgalo ballaaran oo bani’aadamnimo ay kusoo food-leedahay wasaaradda ayna ku jiraan xaalad diyaar-garow ah.

Sidoo kale, Xaawo ayaa ka warbixisay mashaariic ay hir-gelisay wasaaradda iyo ballan-qaadyo ay ka heshay dowlado iyo hay’ado caalami ah, kuwaasoo ku aaddan taakuleynta caafimaad, waxayna rajo wanaagsan ka muujisay dowladdo ay wasaaraddu xiriirro kala duwan la sameysay.

Golaha wasiirrada ayaa dhanka kale waxay warbixinno ka dhegeysteen xubno ka tirsan wasaaradaha arrimaha gudaha iyo caafimaadka oo socdaallo xog-uruurin ahaa ku tagay qaybo ka mid ah gobollada dalka, waxayna tilmaameen in shacabka iyo duunyadaba ay halis badan ugu jiraan inay fatahaadaha iyo roobabka la filayo waxyeello xoog leh ay u geystaan.

Ugu dambeyn, waxay xubnahani ku taliyeen in la helo raashin iyo agab kale oo lagu gar-gaaro dadka gobolladaas ku nool, haddii ay damcaan inay ka fogaadaan degaannadooda, beerahooda iyo weliba qorshe ka dambeeya haddii fatahaaduhu dhacaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya