4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2015
Maamulka Galmudug oo markii ugu Horreysay lagu Wareejiyay Ciidan iyo Gaadiid (SAWIRRO)


Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii la dhisay bartmihii sanadkan waxaa lagu wareejiyay gaadiidka dagaalka iyo ciidammo, ka mid ah noqonaya ciidamadooda millateriga.

Ciidamada iyo gaadiidka dagaal ee Galmudug lagu wareejiyay oo ahaa kuwo si gaar ah loo lahaa ayaa waxaa lagu wareejiyay madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed oo safar ku joogay maalmahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Intaas kaddib ayaa wuxuu madaxweynaha Galmudug salaan sharaf ka qaatay ciidammadii lagu wareejiyay oo ka mid noqonaya ciidamada millateriga Galmudug, isagoo ciidamadaas uga mahad-ceiyay sida laab-furnaanta ah ee ay ugu soo biireen ciidamada Galmudug.

Sidoo kale, xafladda wareejinta gaadiidka dagaal iyo ciidamada ayaa waxaa goob-joog ka ahaa odayaal, saraakiil iyo qaybo ka mida bulshada Galmudug; kuwaasoo si aad ah u soo dhaweeyay in ciidamada iyo gaadiidka lagu wareejiyo maamulka.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Galmudug ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid ku dayasho mudan, isla markaana ah mid taabo-gelinaysa kor u qaadidda adeegga laga rabo maamul-goboleedka Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa wuxuu ka taliyaa deegaanada gobollada Mudug iyo Galguduud, inkastoo caqabado badan ay hor-yaallaan maamulkan oo bartamihii sannadkan lagu dhisay degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya