4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2015
DHAGEYSO: Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukuntay Kenyaanti sharci-daro ku joogay dalka


Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xukunno ku ridday maanta 22-qof oo ka mid ah 27-qof oo Kenyaan ah oo waaxda socdaalka dalka ay ku eedeysay inay dalka ku joogeen sharci-darro, waxaana dadkaan lagu xukumay ganaax lacageed iyo in dalka laga musaafuriyo marka uu ganaaxu u dhammaado.

Eedeysanayaashan Keenyaanka ah ayaa laba maalmood ka hor la hor-geeyay maxkamadda gobolka Banaadir, waxaana makxamaddu ka cosatay xeer-ilaalinta Qaranka inay caddeymo dheeraad ah la timaaddo.

Sidoo kale, waxaa eedeysanayaashan lagu eedeeyay inay ka shaqeynayeen shirkad gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo, Liber Link oo barnaamijyada kambiyuutarrada ka ganacsata, iyagoo aan haysan ruqsad ay dalka kaga shaqeystaan.

Waxay maanta maxkamadeynta eedeysanayaashan Kenyaanka ah ay mar kale ka dhacday saldhigga booliiska ee ku dhex-yaalla garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo ay 22-qof oo ka mid ah 27-ka eedeysane ay soo xaadireen.

Goobta maxkamadeynta waxaa ku sugnaa qareennadii eedeysanayaashan Kenya u dhashay difaacayay iyo madaxda xeer-ilaalinta Qaranka ee dacwadda soo oogay, iyadoo qareenadu ay isku dayeen inay difaacaan eedeysanayasha Kenyanka ah, inkastoo xeer-ilaalinta ay mar walba soo bandhigaysay caddeymo cusub oo la xiriira dacwada dadkaan.

DHAGEYSO: Xukunka lagu riday Kenyaanka ah oo dalka Sharci-darrada ku Jooga;

Dood dheer kaddib ayaa wuxuu guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Dr. Xaashi Cilmi Nuur uu sheegay in dadkan uu ku dhacay xukun, isagoo sheegay in qof walba oo ka mid ah lagu xukumay inuu bixiyo maalin walba ganaax lacageed oo 10-doollar ah; taasoo ah muddadii ay dalka ku joogeen sharci-darrada.

Sidoo kale, Dr. Xaashi Cilmi Nuur ayaa ku dhawaaqay xukunnada lagu riday 22-ka qof ee Kenyanka ah ee soo xaadiray maanta maxkamadda, kuwaasoo uu sheegay inuu Edwin ugu horreeyo uuna ugu dambeeyo Jima Niamse ganaax lacageed, haddii ganaaxaas lacageed ay iska bixin waayaanna loogu bedelayo xabsi.

“Qof walba oo 22-kan ruux ka mid ah waxaa lagu xukumay inuu maalin walba bixiyo 10-doollar oo ganaax lacageed ah. haddii uu bixin waayo qof waxaa loogu bedelayaa xabsi oo lacagtii lagu xukumay u dhiganta,” ayuu yiri guddoomiye Xaashi Cilmi Nuur.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in xukunkan uu saameynayo qof walba oo ka mid ah 27-ka qof ee Keenyaanka ah ee lagu soo eedeeyay inay sharci-darro ku joogaan Somalia, sidoo kale kalena saameynayaa qof walba oo sharci-darro ku jooga dalka meel walba oo uu dalka kaga sugan yahay.

“Markii ganaaxu u dhamaado waa in si dhaqso ah dalka looga saaro laguna celiyo dalkiisii, haddi ay doonayaan inay dalka soo galaana ay soo dalbadaan fiiso haddii loo ogolaado iyo haddii loo diido intaba,” ayuu mar kale Dr. Xaashi Cilmi Nuur.

Ugu dambeyn, maxkamadda gobolka Banaadir ayaa waxay ganaax 10,000 oo doollar ah ku xukuntay shirkaddii ay shaqaalahan u shaqeynayeen ee Liber Link. Wuxuuna xukunka lagu ridday maanta ajanbi lagu eedeeyay inay dalka ku joogeen si sharci-darro ah ah midkii ugu horreeyay oo maxkamad Soomaaliya ku taalla ay riddo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya