4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2015
Wasiirrada cusub ee Somaliland oo xilalkii kala wareegay wasiiradii hore ee is-casilay (SAWIRO)


Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Somaliand Cali Max'ed Waran-cadde ayaa xilalkii wasaaraddaas u kala wareejiyay Wasiir Ku-Xigeenaddii Amniga iyo Maamulka gobolladda Iyo Degmooyinka oo kala ahaa Axmed Caddare Faarax Caddare oo hadda laga dhigay Wasiirka Cadaaladda Iyo arrimaha Garsoorka Iyo Badhasaabkii Hore ee Gobolka Togdheer Axmed Muuse Diiriye oo hadda noqday Wasiir ku xigeenka dhinaca Amniga ee Wasaaradda arrimaha Gudaha.

Waxaa kaloo xilka loo kala wareejiyay Cabdi Daahir Camuud oo ahaa wasiir ku-Xigeenka Maamulka degmooyinka iyo goboladda oo hadda laga dhigay wasiir-u-dawlaha wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada, waxaanu xilkii ku wareejiyay Jaamac Biin oo Siilaanyo uu xilkaas u magacaabay.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa si weyn ugu mahad-naqay labada mas'uul ee wasaaradda Sagootiyay,waxaana uu ku majiirtay inay ahaayeen Masuuliyiin shaqo badan,kuwaas oo ka go’nayday sidii ay qarankooda ugu adeeggi lahaayeen,waxaanu u rajeeyay inay wasaarrada kale ee ay ka hawl-gali doonaan ay si wanaagsan uga shaqayn doonaan, wuxuuna wasiirku soo dhaweeyay Masuuliyiinta cusub,kuwaas oo uu sheegay inay gacmo furan iyo shaqadda Wasaaradda ee Wakhtiga badan u baahan kusoo dhawaadaan.

Dhinaca kale, wasiirka Cusub ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isna xilkii kala wareegay wasiirkii hore madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Munaasibad balaadhan oo ka qabsoontay xarunta Qasriga Madaxtooyada oo ay xilalka kula kala wareegayeen wasiirkii hore ee madaxtooyada, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wasiirka cusub ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi , Afhayeenkii hore ee madaxtooyada Axmed Saleeban Dhuxul iyo afhayeenka Cusub Xuseen Aadan Cige (Dayr).

Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay inuu maanta wareejinaayo wasaarad isku dheelli-tiran oo uu wasiirka cusubi nasiib u yeeshay

Wasiirkii hore madaxtooyada ayaa sheegay in hadda laga bilaabo uu dhamaystiri doono saddex buug oo uu noloshiisa iyo isbedelka caalamka ka qoray, isagoo wasiirnimada ka dib wuxuu qaban doono ka hadlaya waxa uu yidhi“Aniga shaqadda iskay uga tagay,laakiin si mutawacnimo ah ayaan idinkugu caawin doonnaa, shaqo kale oo siyaasadeed imika ma qabanayo, qaar baa yidhi xirsi waa nin orod badan oo karti badan muxu qabanaya, qaar kale yidhi isaga iyo Cabdi Aw Daahir ayaa Burco tagay oo abaabul ka wadda, waxaan idin sheegay ma tagin Burco, balse waxaan u sheegaya inay Burco wadanka ka mid tahay oo reerkii baa yaala, waxaana laga yaabaa inaan ka raagay oo muddo iska joogo, laakiin wax dhib ah u tagi maayo, waxaan ka shaqayn doona danta guud iyo dantaydda gaarka ah”

Waxaanu intaas ku daray. “Waxaan waddaa saddex buug oo aan qorayo ayaan dhamaystiri doonaa, middi waa taariikh oo waa waxaan ugu mahad celinayo madaxweyne Siilaanyo oo ah intaad yar tahay ee aad shaqaynayso aad taariikhda ururiso, waana aragtida aan ka faa’iiday isagoo in badan soo shaqaynayay aanay u saamixn inuu dhacdooyinkiisa soo qoro, sidaa awgeed si aanu waqti uga dayacmin aan diyaariyo noloshaydii & taariikhdaydii aan qoro, waxa la yidha buuga koowaad guushaydii, ka labaad waxa la yidhaa caqabadaha rajada, kan sadexaad waa halbeega isbedelka, isbedel sidee loo sameeyaa iyo macluumaad-keeda”

Wasiirka Cusub ee madaxtooyada, Maxamuud Xaashi Cabdi oo ku dheeraaday hadalkiisa ayaa u mahad-celiyay wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland oo uu sheegay wasiirku in ay ahaayeen saaxiibo qotodheer in badana uu kala soo shaqeeyey hawlaha wasaaradda madaxtooyada isna uu ka rajaynaayo inuu sidii iyo si ka sii fiicanba ula shaqayn doono.

Munaasabaddan oo ahayd mid balaadhan waxaa iyana halkaasi xilalkii kula kala wareegay afhayeenkii hore Axmed Saleebaan Dhuxul iyo afhayeenka cusub Mudane Xuseen Deyr, hadalana ka jeediyey munaasibada.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland