4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2015
Shirka Ilaalinta Deegaanka dalalka Bariga Afrika oo ka Furmay Magaalada Hargeysa (SAWIRRO)


Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Shirka Ilaalinta deegaanka oo ay ka qayb-galeen wufuud caalami ah oo isaga timid Bariga Afrika ayaa ka furmay magaalada Hargeysa, kaas oo socon doonno muddo afar cisho ah.

Shirkan oo noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo lagu qabto Somaliland, ayaa lagu saari doonaa diiradda waxyaabaha dhibaatada ku keeni kara deegaanka

Kulankan waxa ka qayb qaadanaya xubno ka kala yimid wadamada jaarka iyo dunida kale, kuwaasi oo gaadhaya 120 xubnood, waxaana ka mid ah khuburo ku xeel-dheer aqoonta deegaanka oo uu ka mid yahay Dr Rajendra K Pachauri oo u dhashay dalka Hindiya, kuna qaatay jaa’isadda Nopel-ka dedaallada uu degaanka galiyay.

waxyaabaha ugu weyn ee shirka lagaga hadli doono ayaa ah siyaabaha lagaga hortegi karo waxyaabaha deegaanka wax u dhima, sida; geedaha oo la gooyo, duur-joogta oo la qabto ama la dilo ama la dhoofiyaba, biyo la’aanta, iyo waxyaabaha sababa abaarta.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo isna furitaanka shirkan ka hadlay ayaa sheegay in shirkaani muhiim u yahay mandiqadda Geeska Afrika

“Shirkan wuxuu muhiimad-weyn u leeyahay gobolka Geeska Afrika oo dhan, gaar ahaan Somaliland oo boqolkiiba sideetan (80%) ah dad xoolo dhaqato ah,” ayuu yidhi wasiirku.

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa isna sheegay in kulankani wax weyn ka tari doono dhawrista deegaanka Somaliland. isagoo ku daray intaas in xukumaddu dedaallo ka gaysato ilaalinta deegaanka,  kuwaasi oo ay ka mid tahay mamnuucidda Bacaha oo degaanka u darraa.

Dhinaca kale, Madaxweyne Siilaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdiga ka socda ururka ilaalinta deegaanka Bariga Afrika.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]      
Hargeysa, Somaliland