4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2015
Wasiirada baahinta Awoodda Kenya oo diiday in ay is-casisho kaddib markii lagu eedeeyay Musuq


Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Wasiirada wasaarada howlaha baahinta awooda ee xakuumada Kenya, ayaa meesha ka saaray iney jirto suurto-galnimo ku saabsan iney iska casisho xilka ay hayso, kaddib markii lagu eedeeyay wasaaraddeeda inuu ka jiro musuq-maasuq baahsan.

Anne Waiguru oo shalay ka hor hadlaysay baarlamaanka dalka Kenya, ayaa iska difaacday eedeymo la xiriiro fadeexad musuq oo Wasaaradeeda hareeyay iyo lunsasho lacago badan oo qaarkood la sheegay in qoraalo been ah loo sameeyay.

Wasiiraddu waxay intaa ku dartay in shaqadeeda ay si daacad ah u gudato, haddii ay jiraan eedeymo wax isdaba marina ay tahay in wax laga weydiiyo Xog-hayaha joogtada ah iyo Xisaabiyaha guud ee Wasaarada.

Ms Waiguru, waxey sidoo kale beenisay in xafiiskeeda loo iibiyay Taleefishinka guryaha la dhigto oo qiimihiisu lagu sheegay inuu dhan yahay 1.7 Malyan oo lacagta Kenya ah iyo waliba 20 Qalin oo midkiiba lagu gaday 8,700 - isku geyn ahaanna qiimahoodu ay dhan yihiin 174 kun, halka marka tafaariiq ahaan Suuqa looga soo iibsanaayo ay Qalimaantaas uu midkiiba yahay 10 shilling oo lacagta Kenya ah, isku geyntooduna ay noqonayaan 200 (Labo Boqol) oo Shilling.

Eedeynta Lacagta lagu sheegay iney ku baxday Xafiiska Wasiirada;

Kuraasta iyo Miisaska yaallo Xafiiska Wasiirada, ayaa lagu sheegay iney ku baxday 170 kun, halka Taleefishin darbiga ugu dhagan oo ah nooca Muraayadooda la taabto (Touch Screen) ah lagu sheegay inay ku baxday 1.798,000 (Hal malyan, toddobo boqol sagaashan iyo sideed kun).

Qalimaanta loo iibiyay xafiiska ayaa 20 kamid ah lagu sheegay qiimahooda 174-kun, halka galalka Warqadaha la galiyana lagu sheegay in lagu soo gaday 820, 400 (Sideed boqol iyo Labaatan Kun iyo Afar boqol).

Saddex xabo oo ah Sanduuqyada lagu rido Waraaqaha la isticmaalay ee Xafiiska, ayaa lagu sheegay in laga soo gaday 930,000. Halka Antivirus-ka kambiyuutarrada lagu shubo, gaar ahaan nooco loo yaqaano Kaspersky; la tilmaamay in laga soo bixiyay 973, 780.

Barnaamijyada kambiyuutarrada ay ku shaqeeyaan ee sida xor ah qadka looga soo dajisan karo, ayaa iyagana lagu sheegay iney ku baxday 1,900,000.

Sidoo kale 13 ka mid ah barnaamijyada ama macluumaadka ay kambiyuutarradu ku howl-galaan ee loo yaqaano (Software-ka) ayaa midkiiba lagu sheegay in lagu gaday 1.9 Milyan – halka isku geyntoodana lagu sheegay iney ku baxday 3.44 Milyan oo lacagta Kenya ah.

Dhanka kale eedeymaha loo jeediyay wasiiradda ee xubnaha ka tirsan xildhibaannadu ay su’aalaha ka weydiiyeen, waxaa ka mid ah in lacago la tibaaxay in lagu lunsaday magaca baahinta awooda iyo Barnaamijyada la xiriiro Khidmada Dhalinyarada Qaranka ee NYS “National Youth Service”. Kuwaasoo la carabaabay in markii la fulinaayay Qalabka loogu tala galay baaritaanka cudurada oo tababar lagu siinaayay dhalinyarada ay ku baxday lacag dhan 5,193,000 (Shan Milyan, Boqol Sagaashan iyo Saddex Kun).

Saabuumo la isticmaalay intii howshu ay socotay, ayaa qiimahoodu lagu sheegay 986,000 (Sagaal Boqol Sideetan iyo Lix Kun). Iyo waliba Saliida lagu shubo Matoorka baabuurta ee loo yaqaano EFL, oo la iyagana sheegay iney ku baxday 7,502,629 (Toddobo Milyan, Shan Boqol iyo Labo Kun, Lix Boqol iyo Labaatan iyo Sagaal).

Dhamaan eedeymaha loo jeediyay wasiirada ayaa waxay yihiin kuwa markii hore qarsanaa, isla markaasna alaabta la sheegay in lagu soo gaday ay yihiin qiimahoodu kuwa aad oga sareeyo qiimaha caadiga ah ee wax looga kala gato Suuqyada ku yaallo wadanka Kenya.

Ugu danbeyn xafiiska Wasaaradda Baahinta Awooda ee xakuumada Kenya ay ku leedahay wadada Harambee Avenue ee magaalada Nairobi, ayaa maanta waxaa isugu tagay shacab tiro badan oo watay boorar ay ku qornaaye halku dhigyo ay ku dalbanayeen in Wasiirada lala xisaabtamo, Musuq-maasuqa laga nadiifiyo Wasaaradaas. 

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya