4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2015
Saraakiil Sirdoon oo sheegay in Bam lagu soo riday diyaaraddii Ruushka ee ku dhacday Masar


Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Warar sirdoon oo ayaa sheegaya in diyaaraddii uu Ruushku lahaa ee ku burburtay dalka Masar ee 224-kii ee saarnaa ay ku dhinteen ay suuro-gal tahay in lagu soo riday bam, sidaa waxaa sheegay saraakiil sirdoon oo Mareykanka iyo Britain ah.

Inkastoo weli ay socdaan baaritaanno la xiriira sababtii ay diyaaradda Ruushku leeyahay ay u soo dhacday, ayaa haddana wararkan soo baxay noqonayaan kuwo hordhac ah oo ay sirdoonku heleen.

Dowladda Britain ayaa xilli hore joojisay duulimaadyadii ay magaalada Sharm el-Sheikh ku tegi jireen dalxiisayaasheeda, magaaladaasoo ah halkii ay kasoo duushay diyaaraddan Ruushku lahaa ee burburay.

Xukuumadda Masar ayaa waxay diidday sheegashada ah in maleeshiyaadka lala xiriiriyay kooxda Islaamiga ah ee Daacish ay soo rideen diyaaradda, kuwaasoo maalintii ay dhacday diyaaraddan sheegtay inay mas’uul ka yihiin soo dhicideeda.

Sidoo kale, khubaro Ruushan ah ayaa sheegay inay xilli hore tahay in la sheego sababta ay u soo dhacday diyaaraddan la sheego, iyadoo xukuumadda Moscow ay sheegtay dhankeeda inaan laga hor-dhicin sababta ay diyaaraddu u soo dhacday inta uu socdo baaritaanka.

Arbacada shalay ayay saraakiisha dalka Masar waxay sheegeen in qaybta codka duubto ee diyaaradda Metrojet 321 uu dhaawac xun kasoo gaaray burburkii diyaaradda.

Ugu dambeyn, Khuburada baaritaanka shilkan diyaaradeed ayaa waxaa u suuro-gashay in ay xog ka helaan sanduuqa madow ee diyaaradda, kaasoo haatan ay baaritaanno ku hayaan khuburada, sida uu sheegay wasiirka duulista rayidka ee Dalka Masar, Maxamed Xusaam Kamaal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya