4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2015
Isticmaalka Shiishadda ama Pipes-ka oo laga joojinayo Magaalada Toronto ee Dalka Canada


Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Mudanayaasha golaha deegaanka magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in gabi-ahaanba magaalada laga joojiyo adeegsiga Qiiqa tuubada lagu dhuuqo ee loo yaqaan shiishadda ka dib mooshin uu ka keenay Joe Mihevc oo kamid ah xildhibaanada dowladda Hoose ee Toronto.

34-Mudane oo kamid ah xildhibaanada ayaa u codeeyay in magaalada laga mamnuuco Shiishada ,waxaana go’aankan lagu wadaa in uu dhaqan galo marka laga gaaro 1-da bisha afaraad ee sanadka soo socda.

Arintan ayaa la horkeenay xildhibaanada ka dib markii guddi caafimaad oo arintan loo xil saaray ay soo bandhigeen waxyeelada caafimaad darro ee ay ku keeni karto bulshada ,iyadoo mooshinkan uu ka dalbaday dowladda Ontario in ay Shiishadda ka mamnuucado dhamaan goobaha lagu cabo oo ay ku jiraan maqaxiyaha iyo baararka lagu caweeyo.

“Dhamaadka maalinkii ,sigaar cabistu waa sigaar cabis ,mararka qaar waxa shiishadda ku jirta Tobaco ,waana wax dhibaato ku ah caafimaadka qof walba oo isticmaala “ ayuu yiri Mihevc oo la hadlay CTV.

Mooshinkan ayaa salka ku haya warbixinno laga qoray khataraha Shishada oo la sii daayay bishii shanaad ee sanadkan ,taasi oo ay soo jeediyeen guddiga caafimaadka Toronto ,iyadoo waraysiyo laga qaaday dad kala duwan ay ku taliyeen in gabi-ahaanba la mamnuuco shiishadda.

Kaliya waxaa mooshinkan ka hor yimid mudanayaasha kala ah Giorgio Mammoliti, Denzil Minnan-Wong iyo Jim Karyigiannis ,kuwaasi oo ku dooday in dadka isticmaala ay iyagu go’aan ka gaari karaan adeegsigeeda.

Inta u dhaxeysa 60-ilaa 80 oo ah tuubooyinka lagu dhuuqo Shiishadda ayaa iminka ka shaqeeya magaalada Toronto, waxaana sida la sheegay qaar kamid ah si sharci darro looga cabaa goobaha ganacsiyada ee magaalada Toronto.

“Waa wax laga wal-walo runtii ,kaligeey maaha ,balse waxaa arintan si lamid ah ay wal-wal ku haysaa dhamaan goobaha ganacsiyada oo lacag ka heli jiray dadka adeegsada “ ayuu yiri Ashraf Hasouna oo ah mulkiilaha maqaaxida Alexandra Café.

Ugu dambeyn, mamnuucidda Shiishadda ayaa siyaabo kala duwan looga arkaa magaalada Toronto waxaana David McKeown oo ah sarkaal caafimaad uu sheegay in dadka badanaa ay aaminsan-yihiin in Shiishadu aysan waxyeelo u gaysan jirka qofka bini’aadanka ah, taasina ay tahay arin halisteeda leh.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]