4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2015
BAYLE: Dimuqraadiyaddu way ka Hir-gashay Qaaradda Afrika, dalal badan ayayna ku baahaysaa


Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Agaasimaha Mashaariicda Bangiga Horumarinta Afrika, horayna u ahaa wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya, Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa ka hadlay dimuqraadiyadda iyo horumarka xilligan ka jira Qaaradda Afrika.

Bayle oo ku sugan dalka Ivory Coast una warramayay VOA-da ayaa is-bar-bar-dhig ku sameeyay dimuqraadiyadda ka jira waddamada Afrika iyo midda dalalka horumaray ka jirta.

Ducaale wuxuu tusaale u soo qaatay doorashadii dhawaan ka dhacday Tanzania iyo tii kale ee ka dhacday Ivory Coast, isagoo xusay inay ahaayeen kuwo aad u wanaagsan oo u dhacay si dimuqraadiyad ah, wuxuuse sheegay in madax badan oo afrikaan ah ay xukunka isku dhajiyaan.

Waxaa uu sheegay in Hogaamiyeyaasha Afrika qaarkood ay u horseedeen dalalkooda horumar dhaqaale oo muuqda , isagoo qiray in Afrika ay xilligan tahay Suuq ganacsi oo dalal badan ay u tartamayaan in wax soo saarkooda ay ka iibiyaan Afrika.

“Runtii waxaan oran karaa dimuqraadiyadda Afrika si wanaagsan ayay xilligan uga hir-gashay, haddana waxay kusii baahaysaa dalalka kale ee Afrika,” ayuu ku daray hadalkiisa Bayle.

Sidoo kale, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somalia ayaa ka hadlayay inay ka qabsoomi doonaan Soomaaliya doorashooyin marka la gaaro sannadka 2016-ka, wuxuuna sheegay in dalal badan ay Somalia dano ka leeyihiin, loogana baahan yahay dowladda Somalia inay si wanaagsan isaga eegto danaha dalalkaasi ay ka leeyihiin dalka.

“Waxaa sannadka 2016-ka ka qabsoomaya Somalia doorashooyin, marka waxaa loo baahan yahay inay dowladda Somalia ay si wanaagsan u eegto danaha ay ka leeyihiin dalalka Caalamka, maadaama Somalia horumar ay dhan kasta ka sameyneyso,” ayuu yiri C/raxmaan Ducaale Bayle.

Dhanka kale, C/raxmaan Beyle ayaa xusay in deegaanada Somaliland oo looga bartay doorasho uu ku han-weyn yahay in nidaamka iyo sharciga uu sarreyn doonto, lana soo afjari doono khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira.

Ugu dambeyn, Bayle ayaa dhawaan sheegay in Bangiga Horumarinta Afrika uu ugu deeqay lacag 30-milyan oo doollar ah, taasoo wax loogu qabanayo qoxootiga dib ugu soo laabanaya Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya