3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2015
Iiraaniyiin Afduub loogu haystay degmada Cadaado oo ay awood kusoo furteen Ciidamada Galmudug


Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Howlgal xalay kaga sameeyeen degmada Cadaado ayay ciidamada amniga maamulka Galmudug waxay kusoo furteen afar qof oo dalka Iiraan u dhashay, kuwaasoo afduub ahaan loogu haystay degmadaas.

Wararka ayaa sheegaya inta afataan ruux ay ka mid ahaa 10-qof oo afduub loogu haysto gobollada dhexe ee Soomaaliya, ayna kooxo ka mid ah burcadda la soo qaadeen degmada Cadaado, kaddib markiii ay isku dhaceen kooxihii kale ee afduubayaasha ahaa.

Xubno ka tirsan maamulka Galmudug ayaa waxay warbaahinta u sheegeen inay ka war-heleen in afartan ruux ee Iiraaniyiinta ah lagu haysto guri Cadaado ku yaalla, ayna ciidammo u direen, iyadoo lagu guuleystay in lasoo furto afartan qof iyadoo aanu wax dhiig ah daadan.

Dadka afduubka loo haysto ee Iiraan kasoo jeeda ayaa dhammaantood waxay ahaayeen kaluumeysato; kuwaasoo ay kooxaha burcadbadeedda ahi muddo ku hayeen gacanta, iyagoo ka doonayay madaxfurasho lacageed.

Waa markii ugu horreysa oo ciidamada maamulka Galmudug ay furtaan dad loo haystay afduub , iyadoo tallaabadan ay noqonayso mid ka dhan ah kooxaha ku haysta afduubka ajaanibta ay ka doonayaan lacagaha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
11/5/2015 12:49 PM EST
Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Dhismaha garoonkan oo bilihii ugu danbeeyayba soo soctay, ayaa ugu danbeyntii waxaa maanta xarigga ka jiray guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax.

11/5/2015 12:21 PM EST
Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Maamul-goboleedka Gal-mudug ayaa magaalada Caabud-waaq ee gobalka Galguduud u magacaabay maamul KMG ah, kaddib xaflad ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin kala duwan oo xalay ka dhacday degmadaas.

11/5/2015 11:29 AM EST
Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay arday boqollaal ah oo ka qalin-jabisay siddeed ka mid ah tobanka kulliyadood ee ay Jaamacadda Banaadir ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

11/5/2015 10:49 AM EST
Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Shirkadda xawaaladda Kaah ayaa soo bandhigtay manta adeeg cusub oo maal-galin ah; kaddib xaflad lagu qabtay magaalada Beledweyne, waxaana tallaabadan ay qaatay shirkada siweyn u soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada.

11/5/2015 10:42 AM EST
Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Somalia ayaa maanta tababar loogu soo xiray xerada Jasiira ee duleedka Muqdisho 20-sarkaal oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

11/5/2015 10:12 AM EST
Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Dalka Sierra Leone ayaa la filayaa in Sabtida soo socota looga dhawaaqo in laga cirib-tiray dalkaas cudurka Ebola, iyadoo virus-ka dhaliya cudurkan laga waayay dalkaas muddo 42-maalmood ah.

11/5/2015 8:17 AM EST
Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumada Somalia oo maanta shirk u yeeshay Muqdisho ayaa warbixinno looga dhegeystay xubno ka tirsan guddiga gur-madka abaaraha oo howshiisii u kuur-gelida iyo xog uruurinta weli kasii wada gobollada dalka, gaar ahaan kuwa laga cabsida qabo inay waxyeellooyin u geysataan fatahaadaha iyo roobabka El Nino iyo sidoo kale warbixino laga dhegeystay xubno ka tirsan wasiirrada oo safarro shaqo ku tagay waddamo dibadda ah.

11/5/2015 7:30 AM EST
Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii la dhisay bartmihii sanadkan waxaa lagu wareejiyay gaadiidka dagaalka iyo ciidammo, ka mid ah noqonaya ciidamadooda millateriga.

11/5/2015 7:00 AM EST
Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xukunno ku ridday maanta 22-qof oo ka mid ah 27-qof oo Kenyaan ah oo waaxda socdaalka dalka ay ku eedeysay inay dalka ku joogeen sharci-darro, waxaana dadkaan lagu xukumay ganaax lacageed iyo in dalka laga musaafuriyo marka uu ganaaxu u dhammaado.

11/5/2015 6:19 AM EST
Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Somaliand Cali Max'ed Waran-cadde ayaa xilalkii wasaaraddaas u kala wareejiyay Wasiir Ku-Xigeenaddii Amniga iyo Maamulka gobolladda Iyo Degmooyinka oo kala ahaa Axmed Caddare Faarax Caddare oo hadda laga dhigay Wasiirka Cadaaladda Iyo arrimaha Garsoorka Iyo Badhasaabkii Hore ee Gobolka Togdheer Axmed Muuse Diiriye oo hadda noqday Wasiir ku xigeenka dhinaca Amniga ee Wasaaradda arrimaha Gudaha.

11/5/2015 6:02 AM EST
Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Shirka Ilaalinta deegaanka oo ay ka qayb-galeen wufuud caalami ah oo isaga timid Bariga Afrika ayaa ka furmay magaalada Hargeysa, kaas oo socon doonno muddo afar cisho ah.

11/5/2015 5:43 AM EST
Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Wasiirada wasaarada howlaha baahinta awooda ee xakuumada Kenya, ayaa meesha ka saaray iney jirto suurto-galnimo ku saabsan iney iska casisho xilka ay hayso, kaddib markii lagu eedeeyay wasaaraddeeda inuu ka jiro musuq-maasuq baahsan.

11/5/2015 5:43 AM EST
Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Warar sirdoon oo ayaa sheegaya in diyaaraddii uu Ruushku lahaa ee ku burburtay dalka Masar ee 224-kii ee saarnaa ay ku dhinteen ay suuro-gal tahay in lagu soo riday bam, sidaa waxaa sheegay saraakiil sirdoon oo Mareykanka iyo Britain ah.

11/5/2015 3:05 AM EST
Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Mudanayaasha golaha deegaanka magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in gabi-ahaanba magaalada laga joojiyo adeegsiga Qiiqa tuubada lagu dhuuqo ee loo yaqaan shiishadda ka dib mooshin uu ka keenay Joe Mihevc oo kamid ah xildhibaanada dowladda Hoose ee Toronto.

11/5/2015 1:51 AM EST
Khamiis, November 05, 2015 (HOL) — Agaasimaha Mashaariicda Bangiga Horumarinta Afrika, horayna u ahaa wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya, Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa ka hadlay dimuqraadiyadda iyo horumarka xilligan ka jira Qaaradda Afrika.