4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2015
Dowladda Kenya oo Maanta soo bandhigtay Sawirada 38 Ruux oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab


Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa Maanta Shaacisay Sawirrada 38-qof oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee Somalia oo ku sugan gudaha dalka Kenya, iyadoo ay sheegtay xukuumadda Nairobi inay baadi-goob ku haysay Xubnahan.

Xubnahan ayaa Muuqaalladooda lagu Baahiyay Warbaahinta Kenya, iyadoo Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Kenya, Mwendo Njoko uu sheegay in xubnahan ay xilliyadii u dambeeyay ku raad-joogeen ayna ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab ee Somalia.

Sidoo kale, Mwendo Njoko ayaa intaas ku daray inay 36 ruux ee Sawirradooda ay maanta soo bandhigeen ay ku dhuumaalaysanayaan dhulka Keymaha badan ee Kenya, isagoo ku eedeeyay inay yihiin saraakiisha soo abaabula weerarada inta badan ka dhaca gudaha dalka Kenya.

Boliiska Kenya ayaa iyaguna soo bandhigay magacyadda Shan Dagaal-yahan oo ka tirsan Al-Shabaab oo ku lug lahaa Weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday Saldhig millateriga oo ku yaalla duleedka magaalada Laamu ee Gobolka Xeebta Kenya.

Shanta Xubnood ee ay Wasaarada Arrimaha Gudaha Kenya Magacyadooda Shaacisay ayaa Waxaa ka mid ah; Axmed Muller oo loo yaqaanno Ahmed Khaalid, Ramadan Kiyooko oo loo yaqaan Abu Nuseyba iyo Abu Musaybah.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Kenya ayaa la Fajacsan Weerarrada Joogtada noqday ee ay ka geysanayso Al-shabaab ka geysanayso gudaha dalkeeda, Gaar ahaan Deegannada ku yaalla Gobolka Xeebaha Kenya iyo Gobolka Waqooyi-bari ee ay Soomaalidu degto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya