4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2015
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dooday Darbiga ay Kenya ka Dhisayso Xuduudda

Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Xildhibaanada barlamaanka Somalia ayaa kulan ay maanta yeesheen kaga dooday darbiga ay xukuumadda Kenya doonayso inay ka dhisto Soohdinta ay la wadaagto Somalia, iyo sidii dib loogu soo saari lahaa Shilliln Soomaaliga.

Qodobkkii ugu horreeyay ee ay xIldhibaanadu ka hadleen ayaa ahaa Qaraar uu ku amrayo Goluhu Xukuumadda iyo Bankiga Dhexe ee Somalia inay soo saaraan lacag Shilin Soomaali ah, waxaana qaraarka xildhibaannada u akhriyey xoghayaha guud ee baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo tilmaamay in xukuumadda FS laga doonayo inay Bankiga Dhexe u fududeyso miisaaniyad lagu sameeyo lacag shillin Soomaali ah.

Akhrinta Qaraarkaas kaddib waxay xildhibaannadu bilaabeen iney fikradahooda ka dhiibtaan sameynta lacag shilling Soomaaliga iyo sidii loo howlgelin lahaa, balse aragtida xildhibaannada markii ay dhiibteen kadib waxaa loo baahday in talooyinka xildhibaannada lagu biiriyo qaraarka lasoo saari doono taasi oo guddoonka sare ee Baarlamaanka amray in lagu Wareejiyo Guddiga Maalliyadda Baarlamaanka si ay Qaraarkaasi u soo saaraan.

Intaa kaddib xildhibaannada baarlamaanku waxey gudagaleen ka doodista mooshin ay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia kasoo gudbiyeen derbiga ay Kenya doonayso inay ka dhisto xadka ay la wadaagto Somalia; waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan oo markii mooshinkaas la akhriyay kaddib ka hadlay Aragtidiisa ayaa xusay inaanay marna la aqbali karin in dowlad kaligeed ay xuduud calaameysato, iyadoo aysan la ogeyn dowladda dariska la ah ee Somalia.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka FS, Maxamed Cumar Dalxa ayaa xildhibaannada u akhriyey qaraar ay Baarlamaanka Carabta uga soo hor-jeesteen, isla markaana ku cambaareeyeen Darbiga ay Dowladda Kenya ka dhiseyso Xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya, kaasoo ay Jaamacadda carabtu ku tilmaameen mid xad-gudub ku ah madax-banaanida iyo qarannimada Somalia.

Aragtida Xildhibaannada waxay ahayd mid isku dhow oo waxay kasoo wada-hor-jeesteen darbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Somalia; waxaana xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf uu muujiyay in Xuduudaha dalka ay Go’aan ka gaari karto Dowlad ay soo doorteen Shacabka Soomaaliyeed laakiinse tallaabada ay hadda qaaday dowladda Kenya ay tahay mid aanay la Aqbali karin.

Ugu dambeyn, Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi ayaa isagana uga mahad-celiyey guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka dareenka wadaniyadeed ee ay ka muujiyeen maanta darbiga ay Kenya dhisayso, isla markaana waajib Qaran ay tahay in laga dhiidhiyo tallaabooyinka xad gudubka ah ee kasoo yeeraya dhanka dowladda Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, Mooshinka ay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ka keeneen darbiga ay Kenya ay ka dhiseyso xadka ayaa ugu dambeyn laga soo saari doonaa qaraar kaasi oo guddoonka baarlamaanka uu u xil-saaray guddi ka kooban shan xubnood, Maalinnimada berrito ah waxaa baarlamaanka hor imaan doona Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Somalia si uu uga Jawaabo su’aalo la xiirira mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo isbedelka dhaqaalle ee dalka uu galay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya