4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2015
Maamulka Khaatumo oo sheegtay Mas’uuliyadda Taawarro Xalay lagu Gubay Gobolka Sool


Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Maamulka Khaatumo ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weerar habeennimadii xalay lala beegsaday xarumo is-gaadhsiineed oo ku yaala duleedka Magaalada Horu-fadhi oo Waqooyi-galbeed ka xigta Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Khaatumo, Axmed Gacma-yare ayaa sheegay inay iyagu ka Dambeeyeen Gubidda Taawarro ay lahaayeen Shirkadaha Is-gaadhsiinta Telesom iyo Somtel, isagoo sheegay in tallaabadan ay qaadeen kaddib markii ay Shirkadahaani iska dhego-tireen amar ay bixiyeen.

Inj. Axmed Maxamed Cali (Anwar) oo ka tirsan Shirkada Telesom ee degmada Buuhoodle ayaa Qoraal kooban oo uu ku faafiyay boggiisa Face-boo--ga ku sheegay inay hantidan lahaayeen dad deegaanka Buuhoodle kasoo jeeda, isla markaana eeda dusha ka saaray madaxweyne ku xigeenka Maamulka Khaatumo.

Weerarkan ayaa wuxuu dhacay xalay saqdii dhexe, Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegaya in ciidan hubaysan oo wata gaadiidka raaxada ay taawaradan dab-qabadsiiyeen, kuwaasoo ku yaalla isku meel.

Sidoo kale Injineerka ayaa sheegay in ku aad ugu adkeyd inay u gurmadaan halka uu falku ka dhacay oo ka durugsanayd, balse khasaaruhu uu yar yahay midkii ay kooxaha hubeysan doonayeen.

Madax Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ee degmada Laascaanood oo arrinta uga waramay HOL ayaa sheegay in khasaaruhu haatan ku eg-yahay qalabkii deegaanka taawarku ku yaallay isgaadhsiinta mobilka siin jiray iyo agabyo kale oo gubtay, balse qulqulkii is-gaadhsiineed waxba ma gaadhin ayuu yidhi.

Dadka deegaanadaas iyo kuwa degmada Buuhoodle ayaa ka xumaaday dhacdadaas wallow ay jiraan dad yar oo ku taageersan waxaana is-weydiinta ugu badan ay tahay “Buuhoodle in laga dhigo isgaadhsiin la’aan miyey doonayee.”

Maamulka Khaatumo ayaa horey ugu dhawaaqay inay Weerarayaan Taawarada Shirkadda Telesom leeyahay, kaddib markii ay soo baxday adeegga Zaad ee lagu isticmaalayo shilinka Somaliland, waxaase maasha ku jira goobaha ay maamulka Khaatumo ka taliyaan ma jirto wax is-gaadhsiin ah oo ka jirtaa aan ka ahayn midda Telesom oo haddii laga xiro ay ka go’i karaan calaamka.

Ugu dambeyn, waa markii labaad ee ay maamulka Khaatumo waxyeello gaarsiiyaan is-gaadhsiinta Telesom; halka shirkada Somtel ay markii u horretayy tahay, lamana saadaalin karo cawaaqibka ay reebi doonto oo aan ka ahayn isgaadhsiin la’aan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool