4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2015
Kooxo Hubeysan oo Maanta Nabaddoon caan ah ku dilay Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan


Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) —Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa goor dhaw ku dishay bartamaha magaalada Beledweyne meel aan ka fogeyn gurigiisa Alle ha u naxariisteen nabadoon Muumin Barre.

Goob joogayaal ayaa u sheegay HOL in rag dhalinyarro ah oo ku hubeysnaa bastoolado Toogteen Nabaddoonka xilli uu kusii jeeday Gurigiisa, iyadoo Markiiba ay kooxaha dilkan geystay ay goobta ka baxsadeen.

Nabaddoonka la dilay ayaa ka mid ahaa Odayaasha dhaqanka Gobolka kuwooda ugu Cad-cad, waxaana inta badan lagu arki jiray fagaarayaasha iyo shirarka looga hadlayo arrimaha dhaqanka iyo siyaasada intaba.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca mas'uuliyiinta maamulka iyo laamaha ammniga oo ka hadllaya dilka nabadoonka.

Lamana oga siddoo kale kooxda toogashada geystay inkastoo dilal horay sidda oo kale uga dhacay magaalada mas'uuliyadooda sheegteen Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya