4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2015
IMF: Somalia Horumar Weyn ayay ka Samaysay Dhanka Maareynta Maamulka Maaliyadda


Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Wasiirka Maaliyada Xukuumada Somalia Maxamed Aadan Ibaraahim (Fargeeti), Wasiir ku xigeenka Qorshaynta, C/llaahi Sheekh Cali (Qaloocoow), Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Bashiir Ciise iyo Saraakiil Sare oo ka Tirsan xukuumadda Somalia ayaa kulan la Qaatay Wafdi ka Socday Hay'adda Lacagta Adduunka IMF. Kulan-kaasoo ha kii ugu horreeyay oo ay IMF-tu ka u qabatay Somalia muddo 25 Sanno ah ayaa ahaa mid lagu qiimeynayay habka uu u shaqeeyo Nidaamka Maaliyadda ee Soomaaliya iyo Xaaladda Guud ee Dhaqaalaha dalka.

War-saxaafadeed ay soo saartay Hay'adda IMF-ta ayaa kusoo bandhigeen Horumarada ay dowladda Soomaaliya ka samaysay dhanka maareeynta maaliyadda labadii sano ee la soo dhaafay, kobaca dhaqaale ee dalka iyo caqabadaha haysta miisaaniyadda dowladda sannadkan 2015-ka.

"Laga soo bilaabo sannadkii 1991-kii Somalia waxaa dhibaatooyin ballaaran ka haysteen dagaallo sokeeye, dhaqaalo-xumo kasii daraysa, burbur xoog leh oo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Waxaana Dagaalladaas sababeen nolol xumo soo wajahday shacabka Soomaaliyeed, hadaba Soomaaliya waxay u baahan tahay in beesha caalamku ka caawiso dhanka maaliyadda iyo in laga caawiyo kor u qaadida tayeeynta haya’adaha dowlada," ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Sidoo kale, waxaa warkan lag yiri. “Iyadoo Xaaladda Siyaasadeed iyo midda nabad-galyo wali ay yihiin kuwo soo kabanaya, hadana Soomaaliya waxaa laga sameeyey horumar balaaran ilaa iyo intii la soo celiyey xiriirkii ay dowladda Soomaaliya la leedahay IMF 12 April 2013, Hay’aduna waxay si muuqata ugu diyaarisay caawin dhanka farsamada ah iyo kala talin dhanka siyaasadda dhaqaalaha, waxaana diyaar u nahay inaan joogtayno gacan siinta dowladda Soomaaliya.”

"Dowladdu waxay qaatay tallaabooyin muhiim ah oo dib habayn loogu samaynayo horu-marka dhanka dowlad wanaagsan, taas oo ay ka muuqato isla xisaabtan dhanka Hay’adaha dowladda Somalia, waxayna muhiimad gaar ah u leedahay in dib loosoo celiyo kalsoonida shacabka. Soomaaliya waxay leedahay kheyraad balaaran oo dabiici ah, hadii si wanaagsan loo maamulo wuxuu wax weyn ka tarayaa nabadda iyo barwaaqo la gaarsiiyo Waddanka. Sidoo kale Somalia waxay u baahan tahay is Faham ku Tacaluqa Nidaam Maaliyadeed oo heer federaal ah, oo ay ka muuqato masuuliyadda ku aadan in adeega la gaarsiinayo dadka, aruurint dakhliga gudaha iyo in si siman loo qaybsado"ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Miisaaniyadda Dowladda Sandkaan 2015, la diyaarshay iyadoo aysan jirin waxa keyd ah, waxaana lagu saleeyey rajo laga qabo deeqaha dibadda iyo in dakhli fiican laga soo xareeyo gudaha. dakhliga gudaha laga filayey oo yaraaday, kharashaadka baxaya oo kordhay, iyo beesha caalamka oo ka gaabisay balan qaadkii ay ku kabayeen miisaaniyadda dowalada ayaa horseeday caqabado dhanka dhaqaalaha ah, waxayna sababtay in kharashka dowladda la beekhaamiyo.

Ugu danbayn, IMF ayaa sheegtay in dhaqaala xumada ka jirta Somalia ay qayb ka tahay lacagtii shilin Soomaaliga oo meesha ka sii baxaysa iyo isticmaalka Doolarka oo aad u badanaya, taas oo sababtay dadka danyarta ah ineysan awoodi hiltaanka doolarka, si kastaba ha ahaate in lacag la soo daabaco waxaa ku imaan kara hakad ilaa laga helayo shuruudaha loo baahan yahay, waxayna IMF diyaar u tahay iney Soomaaliya ka caawiso sidii loogu guulaysan lahaa dib habayn lagu sameeyo lacagta Shilin Soomaaliga ah.

Warbixinta IMF oo English ah: http://www.imf.org/external/np/sec/pr/2015/pr15278.htm

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya