4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2015
Kulan lagu Taageeray Go’aankii Xildhibaannada Gobolka Hiiraan oo lagu Qabtay Muqdisho (DHAGEYSO)


Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Kulan ballaanran oo lagu Taageerayay talo ay qaar ka mid ah xildhibaanndaa reer Hiiraan soo jeediyeen oo ahayd in Gobolka Hiiraan laba gobol loo qaybiyo ama sidiisa looga dhigo Maamul-goboleed ayaa shalay lagu qabtay Muqdisho.

Waxaa kulankan ka Qayb-galay odayaal dhaqan, siyaasiyiin, mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, Aqoonyahanka iyo xubno kale oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, waxaana kulanka ka hadlay xubno dhowr ah oo sheegay inay taageerayaan qoraal ay sideed xildhibaan soo saareen maalmo ka hor, taasoo ay uga hadleen aayo-ka-talinta guud ee Gobolka Hiiraan.

“Halkan waxaan isugu nimid inaan taageerno go’aankii ay sideeddii xildhibaan ee qoray qoraalka ay ku yiraahdeen Gobolka Hiiraan waa in laga dhigo laba gobo lama uu sidiisa u taagnaado, uuna ku noqodo maamul-goboleed,” ayay yiraahdeen qaar ka mid waxgaradkii goobta ka hadlay.

Sidoo kale, Waxgaradkan ayaa waxay sheegeen in xildhibaannada ay ku taageersan yihiin kuna garab is-taagayaan go’aanka ay xildhibaanadu ku muujiyeen aayo ka-talinta Gobolka Hiiraan.

DHAGEYSO: HADALLADII AY WAXGARADKU KA JEEDIYEEN KULANKA:

“Gobolka Hiiraan Haddii uu waayo inuu noqdo Laba Gobol Noqdo, Waa inuu gobolkiisa ahaado, waana ku Taageeraynaa xildhibaannadeenna, waana ku garan taaganahay, waana middii aan ku doorannay inay ka hadlaan aayaha Gobolka,” ayay kulanka ka sheegeen waxgaradkii ka hadlay.

Waxgaradkii kulanka ka Qayb-galay ayaa waxaa ka mid ahaa; Nabaddoon Cabdi Abuukar, Nabaddoon Xasan Axmed Daqarre, Nabadoon Cabdulle Caddoow, Nabadoon, Cilmi Takar Barre iyo kuwo kale oo fara badan.

Ugu dambeyn, Waxgaradkii ka hadlay kulanka taageerada ahaa ee Muqdisho lagu qabtay ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan ay soo saareen qoraal ay madaxweyne Xasan Sheekh u direen, kaasoo ay ku weydiisteen inuu tixgeliyo rabitaanka dadka reer Hiiraan.

Si kastaba ha ahaateen, kulankan ayaa dhanka kale kusoo beegmayaa xilli Xukuumadda Somalia ay dhawaan sheegtay inay Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe u sameyn doono Maamul-goboleed mideysan.

AKHRISO: Qoraalkii Xildhibaannada Gobolka Hiiraan ee Muqdisho laga Taageeray

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya