Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku kulmay Addis Ababa


Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo ay Wehliyaan Xubnno isugu jiray Siyaasiyiin iyo Waxgarad kasoo jeeda gobolka, ayaa kulan kula qaatay Xarunta Ioobiya ee Addis Ababa madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaa u tagay ka qeyb-galka shirkii  maal-gashiga caalamiga ah.

Kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa looga wadahadalay arrinta ku saabsan dhismaha dowlad gobolleed ay ku mideysan yihiin Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, oo dhawaan la fillayo in la amba-qaado.

Mas'uuliyiinta iyo madaxweyne Xassan ayaa la sheegay in ay isku afgarteen dhamaan qodobadii laga wadda hadllay, gaar ahaan sidii loo furi lahaa wadda hadallo dhaxmara labada dhinac, kuwaa oo u gogol xaaraya dhismaha maamulka.

Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Max'ed Xusseen Odawaa ayaa dhawaan warbaahinta u sheegay in tallaabada xigta oo ay wasaaradiisa qaadeyso tahay siddii loo bilaabi lahaa kulamo hor dhac u ah dhismaha maamul ka kooban gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, isaga oo intaa ku darray in arrintaa ay ku soo gabagabeyn doonaan waqti kooban.

Inkastoo qorshahan uu yahay mid dhinaca dowladda si xowli ah uga socda, ayaa haddana waxaa jira siyaasiyiin isla gobolka ka soo jeeda oo aan ku qanacseyn dhismaha maamul ka kooban labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax ayaa ka mid ahaa ergadii lagu martiqaaday ka qeyb-gallka doorashadii 04-tii bishan lagu qabtay magaalada  Cadaado, taa oo lagu doortay madaxda maamulka Galmudug.

Marka la eego labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe waxaa la oran karaa waa gobollada kale ee ka harsan marka dhismaha dowlad gobolleedyada dalka, marka laga reebo gobolka Banaadir oo la sheegay in dib u eegis lagu sameynayo maqaamka uu yeellanayo.

C/raxmaan diini. Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya






Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (HOL) — Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, Nicholas Kay iyo Safiiradda Britain ee Somalia, Harriet Mathews ayaa ugu Hambaleeyay Shacabka Soomaaliyeed Maalinta Ciidul-Fidriga oo Berri ku beegan.

Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (HOL) — Dowladda Federaalka Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland ayaa ku dhawaaqay caawa in berri oo Jimco ah ay tahay maalin Ciid ah, iyadoo Deegaanno ay ka mid yihiin Gobolka Sool iyo Magaalada Buuhoodle iyagana laga arkay bilshada bisha Shawaal.

Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (HOL) — Hay’adda Humanitarian African Relief Organization (HARO) ayaa Sakaatul Fidri ah ka Qaybisay Gobolka Banaadir gaar ahaan Degmooyinka Wadajir iyo Hodan; waxaana Sakaatul Fidrigan loo Qaybiyay Qoysas Dan-yar ah iyo kuwo dhibaateysan, iyadoo Gargaarkaan uu ka koobnaa Bur, iyo Bariis.

Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (HOL) — Hay’adda Waddaniga ah ee Tadamun ayaa Deeq gaarsiisay xerada qaxootiga magaalada Bosaso, taasi oo loogu tala galay sakaatul fidriga iyo ciidul fidriga.

Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (HOL) — Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo Dowladda Soomaaliya ku dartay liiska 12 nin oo ka tirsan kooxda Al shabaab oo madaxooga la dul dhigay lacag ayaa sheegay in aanu garanayn sababta loogu daray liiskaasi argagixisada, isla markaana aanu ka mid ahayn ururka Al shabaab.

Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (HOL) — Guud ahaan dalka Kenya ayaa Waxaa looga Diyaar-garoobayaa soo dhaweynta munaasabada Ciidul Fidriga oo Fooda inagu soo haysa, iyadoo dowlada kenyana ay ku dhawaaqday in maalinimada Sabtida ah ee fooda inagu soo haysto ay tahay maalin fasax guud ah ama (Public Holiday).

Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (HOL) — Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka mid ah saraakiisha ciidamada DF Somalia ayaa Maamulka Ahlusunna ugu baaqay inay u tanaasulaan Shacabka ku dhaqan Gobollada dhexe ee Galmudug.

Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (HOL) — Wasaaradda Cadaaladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah xabsiga weyn ee Garowe uga sii daysay 40 maxbuus oo ku eedaysnaa danbiyo kala duwan ,kuwaasi oo maalin ka hor madaxweynaha Puntland uu cafis u fidiyay.

Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (HOL) — Warar hordhac ah ee la helayo ayaa sheegaya in laba ka mid ah Saraakiisha sare ee Al-shaabaab lagu dilay Duqeyn Diyaaradeed oo ka Dhacday Saaka Aroornimadii hore duleedka degmada Baar-dheere ee Gobolka Gedo.

Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (HOL) — Dalka Australia oo ah kan ay Cadceedu ugu soo hor-baxdo dunida ayaa si rasmi ah looga dhawaaqay in berri oo Jimco ah ay tahay Ciid, iyadoo Iclaaminta maalinta Ciidda ay ku dhawaaqeen Imaamyada Masaajidda dalkaas, Gaar ahaan kuwa magaalada Melbourne.

Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (HOL) — Felix Kiprono Matagei oo ah qareen u dhashay dalka Kenya, dhawaanna muujiyay xiisaha u ku doonaayo inuu ku guursado gabadha Curada ah ee uu dhalay Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ee lagu magacaabo Malia Obama ayaa la sheegay inuu horay oga baxay Masiixiyiinta hadna uu Muslim yahay.

Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (HOL) — Ra'iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali ayaa kula kulmay magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland, saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Puntiland oo muddo bilooyin ah gadood uga maqnaa magaaladaas.

Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (HOL) — Hoggaamiyaha Kooxda Daalibaan ee dagaalka ka wadda dalka Afghanistan, Mullah Maxamed Cumar ayaa taageeray wadahadalada ay kula jirto kooxdiisa mayalka adag dowladda ka talinasa dalka Afgaanistaan.

Somali News

7/16/2015 5:54 PM EST
“This Ramadan, we’ve seen the very best of British Muslim values. “We’ve seen unprecedented charity – zakat - with thousands upon thousands of pounds raised for the needy.

7/16/2015 5:23 PM EST
CAIRO – The majority of Muslims worldwide will celebrate `Eid Al-Fitr, which crowns the end of the holy fasting month of Ramadan, on Friday, July 17.

7/16/2015 12:12 PM EST
MOGADISHU (HOL) — A suspected U.S. drone strike killed two senior Alshabab commanders in south-western Somalia, officials said Thursday, the latest in string of aerial attacks against the group.

7/16/2015 6:21 AM EST
Internally Displaced Persons (IDPs) in Isiolo County want the government to intervene and solve a land dispute between them and Kenya Defence Forces.

7/16/2015 6:13 AM EST
US ex-President George H.W. Bush fell and broke a bone in his neck Wednesday, his spokesman said, following reports that the former leader had been hospitalised yet again.

7/16/2015 6:05 AM EST
GENEVA—The U.N. refugee agency is warning refugees and migrants from the Horn of Africa not to make the perilous journey across the Red Sea to Yemen. The UNHCR says thousands of people continue to arrive in the country despite the dangers.

7/16/2015 5:55 AM EST
The European Investment Bank, France and Italy will provide Ethiopia 81.4 million euros ($90 million) in financing to help the East African nation modernize its water infrastructure.

7/16/2015 2:50 AM EST
ADDIS ABABA, July 15 (Thomson Reuters Foundation) - Talks between rich and poor countries in the Ethiopian capital, aimed at agreeing on the financing of the United Nations' bold new global development agenda, are on the brink of collapse, advocacy groups said on Wednesday.

7/16/2015 2:36 AM EST
DUBAI: A-five-star hotel in Dubai has issued a written apology to a black woman who was shocked and outraged when its staff refused to serve her and showed her the door.

7/16/2015 2:17 AM EST
The members of the General Court Martial including the Commander of Reserve Forces, Maj. Gen. Levi Karuhanga have pledged to administer justice.

7/16/2015 2:11 AM EST
Leader of the Opposition Coalition for Reforms and Democracy (Cord) Raila Odinga used an Iftar gathering (the evening meal when Muslims end their daily Ramadan fast at sunset) in Mombasa on Tuesday night to urge supporters in the Coastal region to register as voters ahead of 2017 General Election

7/16/2015 2:07 AM EST
Some 136 cattle stolen from Balambala subcounty, Garissa county, three weeks ago were handed over to the owners on Tuesday.

7/16/2015 1:58 AM EST
The international community has not sufficiently invested in gender equality over the past two decades, not since the Beijing Declaration and Platform for Action, according to the UN Secretary-General.

7/16/2015 1:46 AM EST
World 1,500m champion Asbel Kiprop has said he is ready to face double Olympic and World 5,000m and 10,000m champion Mo Farah over the 1,500m distance in Monaco on Friday.

7/16/2015 1:02 AM EST
IOM CALL FOR PROPOSALS: Water, Sanitation and Hygiene (WASH), Migration Health Division (MHD)
Click here