4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 30, 2015
Didbadbax looga horjeedo Charlie Hebdo oo Boosaaso ka dhacay [SAWIRRO]
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) —
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) —
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) —

Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) —
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Dibadbax looga soo horjeedo sawir-gacmeedkii lagu af-lagaadheeyey Nebi Muxamad (NNKH) ee lagu soo daabacay Wargeyska Charlie Hebdo, ayaa galabta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Boqollaal qof ayaa isugu soo ururey garoonka kubada cagta ee Boosaaso, waxaana halkaas bulshada kula hadlay qaar kamid ah culimaa'uddiinka waaweyn ee gobolka iyagoo sheegay inay waajib tahay in laga gilgisho af-lagaadhada loo geystey Suubanaha.

Dibadbaxyo caynkan oo kale ah ayaa ka dhacay magaalooyin kale oo ka tisan Puntland iyo guud ahaan  Soomaaliya, waxaana kamid ah: Muqdisho, Hargeysa, Galkacayo, Qardho iyo Beledweyn. Sidoo kale waxaa laga dibad baxay magaalooyin badan oo caalamka ka tirsan.

Saddex todobaad kahor ayey ahayd markii labo nin oo wejiga soo duubtay gudaha u galeen xarunta wargeyska Charlie Hebdo dabadeena toogasho ku dileen 12 qof oo shaqaalaha waregeyskaas ka tirsan.

Charlie Hebdo wuxuu marar badan daabacay sawir-gacmeed lagu af-lagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH, arrintaasoo caro xooggan ka dhalisay dunida Muslimka ah. 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya