4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 30, 2015
IGAD oo hoggaanka Soomaaliya ku boorisay inay si Wadajir ah u shaqeeyaan


Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Ergayga Urur-goboleedka IGAD ee Somalia, Maxamed Cabdi Afey ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray ugu baaqay hay’adaha dowladda Somalia inay si wadajir ah u shaqeeyaan, golaha wasiirrada cusubna ay diiradda saaraan xasilinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD ayaa shirkoodii 53-aad ee Muqdisho ay ku yeesheen ka sheegay in dowladda Somalia looga baahan yahay inay diiradda saaraan magacaabidda gole wasiirro oo awood u leh wax ka qaban kara, isla markaana la fuliyo balanqaadkii ahaa in dalka doorasho ka dhacdo sannadka 2016-ka.

“Si looga fogaado dib u dhac ku yimaada howlaha u harsan dowladda iyo in dib ay u soo laabtaan khilaafyadii siyaasadeed ee Somalia horay u hareeyay madaxweynaha Somalia, ra’iisul wasaarihiisa iyo baarlmaanku in si wadajir ah ay u wada-shaqeeyaan inta lagu jiro muddada yar ee u harsan,” ayuu ku yiri Afey qoraalka uu soo saaray maanta.

Afey ayaa baarlamaanka ku boorriyay inay meel-mariyeen golaha wasiirrada ee dhawaan lasoo magacaabay. Isagoo hoosta ka xariiqay in golaha wasiirrada ay horumar deg-deg ah ka sameeyaan howlaha u dhiman dowladda, sida inay la gaarsiiyo waddanka doorasho iyo ciidamada qarabka dib loogu dhiso.

“Hoggaanka Somalia waxaa laga sugayaa qodobbada muhiimka ah sida in la dhameystiro dhismaha maamullada gobollada dalka iyo howlaha kale ee ay danta ugu jirto shacabka Soomaaliyeed,” ayuu Afey ku daray hadalkiisa.

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu hadalkiisa ku daray in IGAD ay xoojinayso is-garabtaagii dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si dalka loogu soo rogo nabad iyo deggenaasho buuxda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya