4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 30, 2015
Hay'ada IIDA oo soo bandhigtay Warbixin loogu Magac-daray Looma Ooyaan


Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Kulan ay soo Qaban-qaabisay Hay'adda Horumarinta Haweenka ee IIDA oo kaashanaysay kooxda u doodda xuquuqda beelaha laga tirada badan ee magacooda loo soo gaabiyo (MGR) Minority Rights Group, isla markaana uu maal-galiyay Midowga Yurub ayaa maanta lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

Shirkaas oo looga hadlaayay dhibaatooyinka Somalia loogu geysto dadka lahayb-sooco, ayaa waxaa ka qeyb-galay Xubno ka socday Hay'addaha Qaramada Midoobay, Ururada aanan dowliga aheyn  iyo waliba wadamada deeqaha bixiyo.

Warbixin ka kooban ku dhawaad 26 bog oo loogu magac daray 'LOOMA OOYAAN'  ayaa lagu soo bandhigay shirkaas oo sidoo kale ay ka qeyb galeen Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d'Urso,  Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, Yusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-Bari) iyo Safiirka Soomaaliyeed ee fadhigiisu uu yahay wadanka Kenya Maxamed Cali Nuur (Americo).

Maryan Yaasin Xaaji Yusuf oo ah Agaasimaha Fulinta ee hay'adda IIDA, ayaa sheegtay in dhibaatooyin badan ay Soomaaliya kula kulmaan haweenka iyo gabdhaha yar yar, waxeyna intaas ku dartay in maamulada jiro aynan wax badan ka qabanin tacaddiyada loo geysto dadka la hayb-sooco.

Warbixinta lagu soo aruriyay tacaddiyada iyo dhibaatooyinka loo geysto dadka la faquuqo oo ciwaan looga dhigay LOOMA OOYAAN ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Somalia aynan wali saxiixin Heeshiiskii loogu joojin lahaa takoorka ka dhanka ah haweenka.

Maxamed Cali Nuur (Americo) Safiirka Soomaaliya ee Kenya, ayaa sheegay in dowladiisu ay wax badan ka qaban doonto dhibaatooyinka Soomaaliya ka dhaco ee loo geysto dadka lagu sheego in laga tiro badan yahay, wuxuuna sidoo kale sheegay in xukuumada cusub ee dhawaan loo dhisay Soomaaliya ay Wasaarado fiican oga jiraan Dumarku.

Danjire Yusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-Bari), ayaa isagana sheegay in dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya ay keeneen in meel looga dhaco xaquuqul Aadanaha, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay dadka oo dhan in ay meel oga soo wada jeestaan sidii loo illaalin lahaa xaquuqda Aadanaha.

Dhanka kale, Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d'Urso, ayaa ka codsaday dowlada Soomaaliya iyo hay'addaha Bulshadaba iney caawiyaan dadka laga tiro badan yahay.

Si kastaba ha ahaatee shirkii lagu soo bandhigay warbixintaas, ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan dowlada federalka Somalia, Maamulada Puntland iyo Somaliland iyo waliba shaqsiyaad laga keenay gobalada kala duwan ee Somalia, kuwaaso iskugu jiray dad u shaqeeyo bulshada, Abwaanno iyo Wariyayaal.

Maryan Aweys Jaamac oo ah Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Somalia horayna u noqtay Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska iyo waliba afar Xildhibaan oo kale, ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay shirkaas.

Sidoo kale, Farxiyo Yuusuf Xirsi oo ah Wasiir ku xigeen ka tirsan Maamul gobaleedka Puntland, ayaa ka sheegtay shirkaas in maamulkooda ay mudnaanta kowaad siiyeen illaalinta hooyada iyo dhalaanka isla markaasna ay ka hortagaan dhibaatooyinka lagula kici jiray dadka la hayb'sooco.

Boqor Axmed Iimaan Warsame oo ah Boqorka dadka la heyb-sooco ee Geeska Afrika, ayaa sheegay iney ku dhiban yihiin Maamulada ka jiro Somalia; sida Dowlada Federalka, Somaliland iyo Puntland.

“Dadka la hayb'sooco wey  ku dhiban yihiin maamulada ka jiro Soomaaliya, dhanka siyaasada kuma lihin xubno nagu filan oo qeybsigii Kuraasta waa nalaga badsadaa, waana ku dhibanahay dhanka dowlada Somalia, Somaliland iyo Puntland", ayuu yiri Boqor Axmed.

Ugu dambeyntii  Hay'adda horumarinta Haweenka ee  IIDA oo la aas-aasay sanadii 1991-kii, ayaa ku soo beegtay warbixintaan xili ay u dabaal-dageyso mudo 24 sano ah oo ay Hay'addaas ay ka shaqeyneysay arrimaha horumarinta Haweenka.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya