4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 30, 2015
Ururka Midowga Afrika oo si taxadar leh u soo dhaweeyay Wasiirada Somalia


Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa maanta si rasmi ah u soo dhaweeyay magacaabidda golaha wasiirrada cusub ee Somalia, kuwaasoo toddobaadkan gudihiisa uu magacaabiddooda ku dhawaaqay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid.

War-saxaafadeed uu ururku kusoo dhaweynayo magacabidda wasiirrada oo ka kooban 20 xubnood oo ay maanta saareen ayay ku sheegeen in golahan ay ku jiraan saddex dumar ah oo xilal wasiirnimo loo magacaabay.

“Magacaabista golaha wasiirrada cusub ee Somalia waa tallaabo loo qaaday dhinaca saxda ah iyo dib u dhiska dalka, sidoo kalena waa mid qayb weyn ka qaadanaysa sidii looga dhabeyn lahaa hiigsiga cusub ee Somalia, si dalka ay doorasho xor ah uga dhacdo bisha bisha September ee sannadka 2016-ka,” ayaa lagu yri warsxaafadeedka Midowga Afrika.

Sidoo kale, ururka ayaa sheegay in laga fogaado wax walba oo keeni kara dib u dhac ku yimaada in xukuumaddan ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku howlgasho, si howlaha weli u harsan dowladda loo dar-dar-geliyo.

“Ururka Midowga Afrika wuxuu kula talinayaa hay’adaha dowladda Somalia, gaar ahaan baarlamaanka Soomaaliya inay u maraan howl-billaabista golaha wasiirrada xukuumaddan si looga fogaado dib u dhac kale iyo sidii wasiirrada ay u noqdaan kuwo sharci ah,” ayaa mar kale lagu yiri qoraal ururku maanta soo saaray.

Dhanka kale, ururka ayaa sheegay in xukuumadda cusub laga sugayo inay meel-mariso howlaha laga sugayo oo ay ka mid yihiin; horumarradii horay looga sameeyay dhanka siyaasadda Soomaaliya, dhismaha maamullada kala duwan ee gobollada dalka, adkeynta guulaha laga gaaray amniga, dhismaha ciidamada qalabka sida iyo xasilinta deegaanadii Al-shabaab laga qabsaday.

Ugu dambeyn, warsxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Midowga Afirka ay ka go’an tahay inay sii laba-laabaan taageerada ay siiyaan dadka iyo dowladda Somalia, sidii horumarro dheeraad ah looga sameyn lahaa dib u heshiisiinta iyo xasilinta dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya