4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 30, 2015
Soomaaliya oo kaga Qayb-galaysa Magaalada Qaahira Bandhigga Buugaagta


Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Qorayaal Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay ka soo muuqday munaasabadda bandhigga buugaagta oo maanta lagu qabanayo magaalada Qaahira ee dalka Masar, iyadoo wasiirka xilka sii haya ee warfaafinta Soomaaliya uu ku dhiirri-geliyay daabacayaasha Soomaaliyeed inay dadaal u galaan sidii ay qayb uga noqon lahaayeen bandhigyadan oo kale.

Dhuxuloow oo Soomaaliya ku matalaya ka qaybgalka bandhigga buugaagta kaasoo ay ka qaybgalayaan 14 maktabado oo gobollada Soomaaliya oo dhan ku yaalla, ayaa sheegay in ka qaybgalkooda ay fududeysay safaaradda ay ku leedahay Soomaaliya magaalada Qaahira.

“Aad baan ugu faraxsanahay in 25-sano kaddib aan kasoo dhex-muuqanno bandhiggan oo kale oo ay isugu yimaadeen waddamada Carab iyo kuwa calaamka qaarkood. Tanina waa tallaabo hormar ah oo aan u qaadnay horumarka iyo sidii sare loogu qaadi lahaa maqaamka Soomaaliya ay kaga jirtay dalalka Carabta, Afrika iyo kuwa kale ee Caalamka,” ayuu yiri Maxamed Axmed Shiil oo hogaaminayay wafdi ka socday maktabadaha Soomaaliya.

Ururka maktabadaha Somalia ayaa sheegay in ka qayb-galka carwadan uga gol-lahaayeen inay caalamka gaarsiiyaan in sheekooyinka Soomaaliya aysan ahayn burcad-badeed iyo gaajo, balse is-bedel iyo horumar weyn uu dalka ka jiro, loona gudbay in lasoo nooleeyo jiritaanka hay’adihii laf-dhabarka u ahaa waxbarashada iyo aqoonta Somalia.

Ra’iisul wasaaraha dalka Masar ayaa si gooni ah u soo booqday qaybta ay Somalia ku ban-dhiggan ku lahayd, isagoo aad u boorriyay ka qayb-galka bandhiggan, isla markaana ka codsaday madaxa ururka daabacayaasha Somalia, Maxamed Axmed Shiil inuu laba-jibbaaro dadaalka uu ugu jiro kusoo dabaalidda dalka Soomaaliya bandhigyada akhriska iyo aqoonta.

Safaaradda Somalia ee Masar ayaa kaalin mug leh ka qaaadatay in bandhig carwadeedkan ay Somalia safka hore kasoo gasho. Ururka maktabadaha Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay dadaalkii shaqaalaha safaaradda Qaahira iyo sidii wanaagsanayd ee ay u suura-galiyeen in sannadkan maktabadaha dalka ka jira ka qayb-galaan bandhiggan calaamiga ah.

Ugu dambeyn, bandhiggan oo sanadle ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay 650 madbacadood oo ka socda 26 waddan oo Carab iyo caalamka kale isugu jira, waxuuna socon doonaa illaa 12-ka bisha Feberaayo ee soo socota.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya