4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 30, 2015
DUQA MUQDISHO: Nadaafadda Caasimadda Muhiimad Weyn ayaan Siinaynaa


Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka dhawaajiyay in mashruuc dalka lagu dhisayo oo ay hogaaminayaan ganacsato Somali ah lagu billaabayo jidadka burbursan ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ka hadlay munaasabad shahaadooyin degmooyinkii ku guuleystay howlaha nadaafadda caasimadda lagu guddoonsiiyay ayaa sheegay in nadaafaddu ay tahay howsha ugu horreeya ee maamulkiisu uu muhiimad weyn siinayo.

Muun-gaab ayaa tilmaamay in waddooyinka burbursan uu maamulku dib u dhis ku sameyn doono, isagoo kaashanaya ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in dowladda hoose ee Xamar ay qaadan doonto shaqaale dheeraad ah oo ku filan nadaafadda caasimadda iyo dib u dhiska jidadka burbursan.

Ugu dmbeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xusay in shaqaalaha ay qoranayaan la siin doono mushaaraad ku filan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in qorista shaqaalahaas ay blilaaban doonto bishan Feberaayo ee soo socota.

Hadalka guddoomiyaha govolka iyo Duqa Muqdisho ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay xarigga laga jaray mashruuc socon doona illaa bisha Maarso ee sannadkan, kaasoo nalalka ku shaqeeya cad-ceedda lagu gelinayo jidka warshadaha ee Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya