4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 30, 2015
Robert Mugabe oo Markii ugu Horreysay loo doortay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika


Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe ayaa maanta loo doortay hoggaamiyaha cusub ee Midowga Afrika, isagoo xilka kala wareegaya madaxweynaha Mauritania oo muddo sannad ah hayay xilkan.

Afhayeenka Mugabe, George Charamba ayaa sheegay in madaxweynahan oo 90-jir ah uu Midowga Afrika ku hoggaamin doono inay noqto hoggaanka caalamka oo dhan. Isagoo ku daray intaas in inkastoo uu aad u dhaleeceeyo reer galbeedka uu hadana yahay hoggaamiye wanaagsan.

Robert Mugabe ayaa la filayaa inuu xilkan kala wareego Mugabe, Maxamed Ould C/casiis bisha Feberaayo ee sannadka soo socda, isagoo halka sano ee soo socda hoggaamin doona ururka Midowga Afrika.

Sidoo kale, madaxweynaha dalka Zimbabwe ayaa ayaa xilka hogaaminta ururka Midowga Afrika oo 54-waddan ka kooban, isla markaana ah mid wareegto ah ayaa noqonaysa markii ugu horreysay uu qabto tan iyo markii dalkiisu xorriyada qaatay sannadkii 1980-kii.

"Madaxweyne Mugabe oo muddo dheer ka cabanaya habka hoggaanka AU-da uu u socdo ayaa maanta ku guuleystay markii uug horreysay guddoomiyaha ururka Midowga Afrika ee sannadkan cusub,” ayuu yiri afhayeenkiisa, George Charamba.

George Charamba ayaa intaas ku daray. "Inkastoo uu muddo dheer kasoo horjeeday fik-radaha reer galbeedka, haddana wuxuu rajeynayaa inuu Afrika oo dhan ku hoggaamin doono dhabbe wanaagsan oo horumar leh.”

Xiriirka madaxweynaha dalka Zimbabwe iyo waddamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa xumaaday sannadku markuu ahaa 2000; markaasoo lagu murmay doorashadii madaxnimo ee dalkaas ka dhacday, iyagoo dalalkan ay sheegay in Mugabe uu codadkii doorashada ku shubtay.

Khilaafka reer galbeedka iyo Mugabe ayaa sababay in isaga iyo xubno sare oo ka tirsan xisbigiisa hoggaamiya Zimbabwe ay cunno-qabteyn kusoo rogaan dalalka Maraykanka, Canada, Australia, New Zealand iyo weliba ururka Midowga Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, ururka Midowga Afrika ayaa laga sugayaa sannadkan cusub ee 2015-ka inuu guulo ka gaaro la dagaalanka kooxda Boko Haram oo ka dagaalanta dalka Nigeria iyo kuwo dariska la ah iyo kobcinta dhaqaalaha dalalka Afrika.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya