4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 30, 2015
PL oo ku eedeysay Somaliland inay taageerto Xoogaga Al-shabaab ee Galgala

Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Wasiirka amniga maamulka Puntland Xasan Cismaan Aloore ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta Markab hub siday oo dhawaan ku soo xirtay dekeda Barbera ee maamulka Somaliland,waxaana Puntland ay ka cabsi qabtaa in hubkaasi uu gacanta u galo ururka Al-shabaab ee ka dagaalama buuraha Gal-gala.

“Puntland waxay adduunka u sheegaysaa in maamulka Hargaysa uu marin habaabinayo indhaha caalamka, isla markaana hubkaas uu gacanta Somaliland u galay “ayuu yiri wasiirka oo la hadlay warbaahinta gudaha.

“Hadaba hubkaas wuxuu xad-gudub ku yahay cuna-qabatayntii hubka ee saarnayd Somalia sidaa darteed, Puntland waxa ay ku wargalinaysaa dowladda Somalia, dowladaha dariska ah iyo waliba beesha caalamka in hubka ka dagay Somaliland uu khatar ku yahay amaanka guud ee gobolka,“ ayuu mar kale yiri wasiirka.

Waxaa kaloo wasiirka uu sheegay in hubkan cusub uu colaad hor leh dhex-dhigi karo maamullada dariska ah ,isla markaana loo baahan-yahay in il gooni ah lagu hayo ,isaga oo tilmaamay in ciidamada maamulkooda digtooni dheeri ah la galiyay.

“Puntland waxa ay horey u sheegtay in maamulka Somaliland uu xiriir dhow la leeyahay ururada xag jirka ah ee shacabka Soomaaliyeed dhibaateeya gaar ahaan Al-shabaab ,marka waxaan ka digaynaa in hubkan uu gacanta u galo kooxda ku dhuumaaleysanaysa buuralay-da Gal-gala “ayaa kamid ahaa hadalada wasiirka amniga Puntland.

Xasan Cismaan Aloore ayaa tilmaamay in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo kabtanka iyo shaqaalaha la socday markabkan ,isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la ogaado halkii uu ka soo qaaday hubkan.

Ugu dambeyn, maamulka Somaliland ayaa dhawaan sheegay in markab siday hub uu si khaldan ugu soo xirtay dekedda Berbera, iyadoo la ogyahay khilaaf dhinaca xaduudda ah inuu ka dhex jiro labada maamul ee Puntland iyo Somaliland.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]