4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 30, 2015
Zakariye oo bixiyay Xogo lagu soo qaban karo haweeney ka tirsan Al-shabaab


Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Wargayska The Mirror ee kasoo baxa dalka Britain oo soo xiganaya saraakiil sirdoon ayaa sheegay in Britain ay diyaarinayso ciidammo gaar ah oo nolosha ku qabta haweeneyda sida weyn loo raadinayo ee Samantha Lewthwaite oo u dhalatay dalka Britain, iyadoo la tixraacayo xogo uu bixiyay Zakariye Ismaciil Xirsi oo ahaa madaxii sirdoonka Al-shabaab, dhawaanna Muqdisho ka sheegay inuu ka baxay Xarakada Al-shabaab.

Zakariye oo horay u ahaa madaxa sirdoonka Al-shabaab ayuu wargeyskani sheegay inuu dhawaan la kulmay baarayaal sirdoon ah uuna u sheegay in Samantha Lewthwaite ay ku nooshahay meel ka mid ah Koofurta Somalia, gaar ahaan dhulka kaymaha badan ee Raas-kambooni; halkaasoo ay xoogag loo diyaariyay inay is-qarxiyaan ay ku ilaalinayaan.

Sidoo kale, sarkaal ka tirsan sirdoonka Britain oo magaciisa la qariyay ayaa u sheegay wargayska The Mirror in hadda uu heer gabo-gabo ah marayo qorshe la doonayo in lagu soo qabto haweeneydan sida aadka ah ay UK u baadi-goobayso, iyadoo la raacayo xogaha uu bixiyay sarkaalka Al-shabaab kasoo goostay.

Madaxii sirdoonka Al-shabaab ayaa bishii hore isku dhiibay ciidammo ka mid ah kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo, iyadoo Muqdisho loosoo duuliyay, isagoo maalmo ka hor qabtay shir jaraa’id oo uu si cad ugu sheegay inuu ka baxay Al-shabaab.

“Samatha waa sarkaalad muhiim u ah ururka Al-shabab; aad ayaana loo ilaaliyaa waxayna diyaarisaa kooxaha weerarrada ka geysta dalka Kenya,” ayuu u sheegay Zakariye xubnaha sirdoon ee uu la kulmay.

Wargeyska The Miror ayaa sheegay in Zakariye uu bixiyay xogo muhiim ah oo lagu soo qaban karo haweeneydan British-ka ah. Iyadoo sidoo kale uu sheegay wargeysku in ilo wareedyo kale uu kasoo xigtay in ciidamada loogu talo-galay inay haweeneydan soo qabtaan lagu diyaarinayo Muqdisho.

Dalalka Britain iyo kuwa kale ee reer galbeedka ayaa si weyn u raadinaya haweenaydan oo wajiyo badan isticmaasha si ay isku qariso, iyadoo horay u guursatay saraakiil Somali iyo Kenyan ah oo ka tirsan Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, haweeneydaan ayaa horay loo sheegay in lagu dilay dalka Ukrain, iyadoo ka barbar dagaalamaysa ciidamada dalkaas ee dagaalka kula jira kooxo fallaago ah oo ay taageerto dowladda Ruushka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya