3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 30, 2015
SHIR Madaxeedka Ururka Midowga Afrika oo Maanta ka furmaya Addis Ababa


Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Shir-madaxeedka ururka Midowga Afrika ayaa maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya, iyadoo shirka sannadkan 2015-ka oo socon doona laba casho ay ka qayb-galayaan inta badan madaxda dalalka Afrika.

Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa sannadkan kaga hadli doona shirkooda dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin; colaadaha Koofurta Suudaan, Xagjir-nimada kusii baahaysa Afrika, cudurka Ebola iyo la-dagaalanka Boko Haram.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo ka mid ah madaxda ka qayb-galeysa shirka Midowga Afrika ayaa la filayaa inuu khudbad ka hor-jeediyo madaxda Afrika, taasoo uu kaga hadli doono xaaladaha Somalia.

Sidoo kale, madaxda Afrika ayaa taageero u raadinaya sidii ciidamo ka socda dalalka Galbeedka Afrika ay ula dagaalami lahaayeen kooxda Boko Haram oo ay sheegeen inay khatar weyn ku tahay amniga Nigeria iyo dalalka kale ee dariska la ah.

Golaha Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Afrika ayaa isla gartay in ciidamo ka socda shan dal oo ka tirsan kuwa Galbeedka Afrika ay ka qayb-qaataan dagaallada ka dhanka ah kooxda Boko Haram.

Ciidamada la dagaalamaya Boko Haram ayaa waxaa la filayaa inay ka kala yimaadaan dalalka Niger, Jaad, Benin, Cameroon iyo dalka Nigeria oo ay ka dagaalanto kooxdan, kuwaasoo si wadajir ah uga qayb-qaataan dagaallada ka dhanka kooxdan Islaamiga ah.

Tirada ciidamadan ayaa la doonayaa in la gaarsiiyo ilaa 7,500, iyadoo horay dowladda Jaad ay ciidammo ugu dirtay Cameroon, si ay uga caabiyaan Boko Haram oo horay weerarro uga geystay gudaha dalkaas.

Si kastaba ha ahaatee, walaaca dalalka Afrika ee Kooxda Boko Haram ayaa haatan aad u sii kordhaya, iyadoo kooxduna ay dagaalkeeda ku baahisay dalal kale oo cusub oo daris la ah Nigeria.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/30/2015 11:16 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Dibadbax looga soo horjeedo sawir-gacmeedkii lagu aflagaadeeyey Nebi Muxamad (NNKH) ee lagu soo daabacay Wargeyska Charlie Hebdo ee kasoo baxa dalka France, ayaa maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

1/30/2015 11:13 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Ergayga Urur-goboleedka IGAD ee Somalia, Maxamed Cabdi Afey ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray ugu baaqay hay’adaha dowladda Somalia inay si wadajir ah u shaqeeyaan, golaha wasiirrada cusubna ay diiradda saaraan xasilinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

1/30/2015 10:28 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Kulan ay soo Qaban-qaabisay Hay'adda Horumarinta Haweenka ee IIDA oo kaashanaysay kooxda u doodda xuquuqda beelaha laga tirada badan ee magacooda loo soo gaabiyo (MGR) Minority Rights Group, isla markaana uu maal-galiyay Midowga Yurub ayaa maanta lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

1/30/2015 9:58 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa maanta si rasmi ah u soo dhaweeyay magacaabidda golaha wasiirrada cusub ee Somalia, kuwaasoo toddobaadkan gudihiisa uu magacaabiddooda ku dhawaaqay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid.

1/30/2015 9:33 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Qorayaal Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay ka soo muuqday munaasabadda bandhigga buugaagta oo maanta lagu qabanayo magaalada Qaahira ee dalka Masar, iyadoo wasiirka xilka sii haya ee warfaafinta Soomaaliya uu ku dhiirri-geliyay daabacayaasha Soomaaliyeed inay dadaal u galaan sidii ay qayb uga noqon lahaayeen bandhigyadan oo kale.

1/30/2015 9:03 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka dhawaajiyay in mashruuc dalka lagu dhisayo oo ay hogaaminayaan ganacsato Somali ah lagu billaabayo jidadka burbursan ee magaalada Muqdisho.

1/30/2015 8:42 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe ayaa maanta loo doortay hoggaamiyaha cusub ee Midowga Afrika, isagoo xilka kala wareegaya madaxweynaha Mauritania oo muddo sannad ah hayay xilkan.

1/30/2015 6:57 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Wasiirka amniga maamulka Puntland Xasan Cismaan Aloore ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta Markab hub siday oo dhawaan ku soo xirtay dekeda Barbera ee maamulka Somaliland,waxaana Puntland ay ka cabsi qabtaa in hubkaasi uu gacanta u galo ururka Al-shabaab ee ka dagaalama buuraha Gal-gala.

1/30/2015 3:45 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Wargayska The Mirror ee kasoo baxa dalka Britain oo soo xiganaya saraakiil sirdoon ayaa sheegay in Britain ay diyaarinayso ciidammo gaar ah oo nolosha ku qabta haweeneyda sida weyn loo raadinayo ee Samantha Lewthwaite oo u dhalatay dalka Britain, iyadoo la tixraacayo xogo uu bixiyay Zakariye Ismaciil Xirsi oo ahaa madaxii sirdoonka Al-shabaab, dhawaanna Muqdisho ka sheegay inuu ka baxay Xarakada Al-shabaab.

1/30/2015 3:01 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa xisbiyada kale ee KULMIYE iyo WADANI u jeediyay eedeyn, isagoo sheegay inay dib u dhigayaan inay doorashaddu wakhtigeedda dhacdo.

1/30/2015 2:55 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Hay’adda FIB-da dalka Mareykanka ayaa baadi-goob ku haysa ruux Soomaaliyeed oo lagu daray liiska kooxaha argagaxisda ah ee caalamka. Ruuxaas oo hay’addu ay dul-dhigtay madaxii lacag 50,000 oo doollarka Mareykanka ah.

1/30/2015 2:31 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa xalay rasaas ay ku kala dareeriyeen dhallinyaro ciyaar dhexmaraysay ku diriray ayaa wiil dhallinyaro oo wiilashii ciyaarayay ka mid ahaa ku dhacday, tasaoo sababtay inuu geeriyoodo.

1/30/2015 2:27 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Shirkada casriyeynta guryaha ee Horyaal Group (Albait Decoration) oo ka hawlgasha Somaliland, Jabuuti iyo Puntland, ayaa qurxinta ay ku samayso dhismayaasha kala duwan oo indhaha dadka soo jiidatay.

1/30/2015 2:20 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Safiirka dalka Britain ee Soomaaliya Neil Wigan iyo wefti uu hogaminayo ayaa ka qayb galay kulan lagu soo badhigayey Riwaayad “Hamlet” oo la sameeyeyey sanadkii 1599, kaas oo uu hal abuuray abwaan uu dhashay Ingiriska ee William Shakespear.