4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 30, 2015
UCID: Waxaanu ka walaacsannahay in Doorashadu aanay ku dhicin Xilligeedii


Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa xisbiyada kale ee KULMIYE iyo WADANI u jeediyay eedeyn, isagoo sheegay inay dib u dhigayaan inay doorashaddu wakhtigeedda dhacdo.

“Sababta ugu muhiimsan ee nagu kaliftay inaan shirkan jaraa'id qabano waxa weeye inaanu shacabka u gudbino halkay marayso Doorashadii iyo Xaqiiqada jirta oo runtii illaa hadda aanay jirin cid ku dhacday inay si cad dadka runta ugu sheegto.waxaanu doonaynaa inaanu markii u horaysay Shacbiga Somaliland si cad ugu sheegno in sida ay noogu muuqato aanay jirin Doorasho dalkan ka dhacaysa 26-ka June ee sanadkan.Haddii la dadaalo Dalka doorasho Way ka dhici karaysay suuro galna way ahayd in 26-ka june 2015-ka doorashadu dhacdo  laakiin,waxaad goob joog ka ahaydeen sidii loola dagaalamay ee Xeerarkii loo burburiyay ee Xukumadda,Wakiilada iyo Guurtida oo iskaashanaya muddo 7 ama 8 bilood ah ay uga lumiyeen in 26-ka June Doorasho suuro gal noqoto.Nasiib darro way ku guulaysteen inaan doorashadu ku qabsoomin wakhtigeedii,malaha iyagu guul bay u arkaane”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka UCID Cali Yuusuf (Cali Gurey” oo ka dayrinayey inay dalka doorasho ka dhacayso wakhtigii loogu tallogallay.

Gudoomiyaha Saddexaad ee Ucid Cali Guray ayaa xukuumadda iyo xisbigeeddda iyo xisbiga WADANAB ku eedeeyey inay doorashadda dabadda haystaan, isla markaana aanay diyaar u ahayn inay doorasho dalka ka dhacdo, waxaanu yidhi “Haddii Doorashadu 26-ka June dhacayso waxay ahayd,in Saddexda Xisbi Qaran 26-kii June,2015 ka hor diyaariyaan Musharaxiintooda doorashada oo Golaha dhexe soo ansixiyo. Xisbigan Ucid Mooyaane, ilaa maalintaas maanta ah ma jiro Xisbi Musharaxiintiisii soo saaray oo Golahooda dhexe soo ansixiyay.Hadday run ka tahay in doorashadu Wakhtigeedii ku qabsoonto,Madaxweyne Siilaanyo waxay ahayd 26-ka December ka hor in Xisbiga Kulmiye fadhiisto oo Musharax haddii uu yahay soo ansixiyo Musharaxnimadiisa.Muu yeelin haddana wuxuu ku leeyahay Doorashadu wakhtigeedii bay ku dhacaysaa, taas waxaanu u aragnaa been cad oo dadka loo sheegayo, doorasho 26-ka june dhacaysaana ma jirto. Sidoo kale Xisbiga Waddani waxay ahayd in 26-kii December ka hor Golihiisa dhexe oo dhameeyo Musharaxiintooda,iyagoon Musharaxiintoodaba diyaarin inay haddana dadka ku yidhaahdaan Doorashadu waxay dhacaysaa 26-ka June ama waa inay wakhtigaas ku dhacdo waa Been Cad oo qaawan waanan ka baxnay annagu fikirkaas, waxaanu leenahay Shacbiga Somaliland haddaad tihiin 26-ka June Wax doorasho ah oo dalkan ka dhacayaa ma jiro.”

Xisbiga Ucid waxa uu sheegay inay sidoo kale ahayd in Gudoomiye Cirro Xilka Baarlamaanka ka dego ka hor 26-kii December ee sanadkii hore, maadaama sharcigu dhigayo in qofka xil haya ee Qaranka u sharaxani 6- doorashada ka hor xilka ka dego.

“Haddii Maalmaha soo socda Xisbiyadda Mucaaradka ahi isla meel dhigi waayo Mawqif midaysan oo ah Maxaa la yeelayaa Doorasho ma dhacayso 26-ka June eh, taas waxaanu doonaynay inaanu saaka sii dayno mawqifkayaga laakiin Dhinacyadii kale iyo Xisbiyada Mucaaradka markaanu la tashanay waxay naga codsadeen inaanu talada ku sinno si Mawqif midaysan oo Mucaarad aanu u yeelanno” ayuu yidhi Mujaahid Cali Guray.

Sidoo kale, musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay haboon tahay in doorashaddu wakhtigeedda dhacdo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland