4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 30, 2015
FBI-da Mareykanka oo badi-goobaysa Soomaali oo ku jira liiska Argagaxisada


Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Hay’adda FIB-da dalka Mareykanka ayaa baadi-goob ku haysa ruux Soomaaliyeed oo lagu daray liiska kooxaha argagaxisda ah ee caalamka. Ruuxaas oo hay’addu ay dul-dhigtay madaxii lacag 50,000 oo doollarka Mareykanka ah.

Ruuxan oo Somali-American ah ayaa magaaciisa lagu sheegay, Liibaan Xaaji Maxamed, iyadoo hay’addu ay sheegtay inuu aqoon u leeyahay xarumaha ay dowladda Mareykanku leedahay, sida garoomada diyaaradaha iyo goobaha tareenada laga raaco ee magaalada Washington iyo duleedyadeeda.

Liibaan ayaa ku noolaa waqooyiga gobolka Virginia ee duleedka Washington, isagoo ahaa taksiile muddo fog ka shaqeynayay gobolkaas. Iyadoo FBI-du ay intaas ku darayso in Liibaan uu ka mid yahay xubnaha Al-shabaab ee dalka Mareykanka ku nool, sidoo kalena uu leeyahay magaco kala duwan oo uu u isticmaalo inuu isku qariyo.

Somali-American-kan la raadinayo ayaa loo haystaa sida ay hay’addu xustay inuu dhalinyarada u qoro Al-Shabaab, isla markaana horay taageero hiil iyo hooba u fidiyay ururrada Al-Qaacida iyo Al-shabaabta Soomaaliya.

Warbixinta FBI-da ayaa lagu sheegay in ninkan uu ka tagay Mareykanka sanadkii 2012-kii isla markaana uu ku nool yahay Bariga Afrika, iyadoo aanay magacaabin goobta uu ku sugan yahay.

FBI-da ayaa sheegtay inay ku bixinnayso abaal-marin lacageed oo gaareysa 50,000 oo doollar si ay xog dheeraad ah u hesho si gacanta loogu soo dhigo ama loo dilo.

Mareykanka ayaa horay liiska argagixisada ugu daray Soomaali fara badan oo ku eedeysan inay Al-shabaab iyo Al-Qaacida xiriir la leeyihiin, kuwaasoo qaarkood hoggaamiyeyaal ka ahaa Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa horay weerarro cirka ugu dilay xubno ka tirsan kuwa liiska argagaxisada caalamka ugu jiray, kuwaasoo uu ka mid ahaa hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab, Cabdi Axmed Godane.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya