4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 30, 2015
Booliiska SL oo rasaas ku dilay wiil dhalinyaro ah iyo mudaharaad ka dhashay


Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa xalay rasaas ay ku kala dareeriyeen dhallinyaro ciyaar dhexmaraysay ku diriray ayaa wiil dhallinyaro oo wiilashii ciyaarayay ka mid ahaa ku dhacday, tasaoo sababtay inuu geeriyoodo.

Wiilkan geeriyooday ayaa magaciisa la odhan jiray, Maxamed Cali Ismaaciil da’diisana lagu sheegay 18 jir, waxaanu ka mid ahaa dhalinyarro ku ciyaarayey garoonka kubadda Cagta ee  dugsiga Maxamuud Axmed Cali .

Wiilan dhalinyarta ah oo xalay markiiba la keenay cisbitaalka guud ee  Hargeysa ayaa dhakhaatiirtu HOL u xaqiijisay dhimashadda wiilkaasi oo ay sheegeen inay xabaddu kaga dhacday Naaska dushiisa.

Haseyeeshee  Dhalinyaradda xaafadaasi ayaa dilkaasi kaga jawaabay Mudaharaad saacado socday, kuwaas oo kala xidhay wadadda tagta xaafadaasi, kuwaas oo la sheegay inay Taayiro ku gubeen jidkaasi.

booliiska ayaa markiiba xoog ku kala dareeriyey dhalinyartaasi ka mudaharaadaysay dilka wiilkaasi dhalinyarta ah. Si kastaba ha ahaatee, ciidanka amniga iyo xukuumaduba kama hadal qaabka dilkaasi u dhacay iyo mudaharaadkaasi ka dambeeyeyba.

Ciidanka Booliska ayaa habeenimaddii u dambeeyey qabqabanayey dhalinyaro faro badan, kuwaas oo habeenkii rabasho ka sameeya magaalada dhexdeedda, waxaanay xukuumaddu sheegtay in wiilka noocaas u abaabulan lagu xidhi doonno xuduudaha dalka, isla markaana xukun adag lagu xumi doono haddii waalidkood wax ka qaban waayo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland