10/22/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 30, 2015
Shirkadda dhismaha ee Horyaal Group oo soo bandhigtay dhismayaal casri ah



Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Shirkada casriyeynta guryaha ee Horyaal Group (Albait Decoration) oo ka hawlgasha Somaliland, Jabuuti iyo Puntland, ayaa qurxinta ay ku samayso dhismayaasha kala duwan oo indhaha dadka soo jiidatay.

Shirkaddan ayaa dib-u-casriyeyn iyo qurxin aad u layaab leh ku samaysay dhismayaal faro badan oo isugu jira kuwa ganacsi, xarumaha shirkadaha waawayn sida Dahabshiil iyo Telesom, hudheello iyo guryo caadi ah, kuwaas oo u samaysay muuqaallo soo jiidasho leh gudaha iyo dibaddaba.

Maamulaha shirkadda Horyaal Group (ALBAIT Decoration) Fowzi Xaaji Cabdillaahi Dirir oo ka qaybgalay munaasibad xadhiga lagaga jarayey dhismayaal ay qurxisay, ayaa warbaahinta uga warramay shaqadooda iyo waxyaabaha soo kordhiyeen.

“Shirkadda ALBAIT Decoration oo caan ku ah qurxinta dhismayaasha ee gudaha iyo dibaddaba waxay ka shaqaysaa Jabuuti, Somaliland iyo Putland oo saddexdooba aannu ka qabanay shaqooyin badan oo ku saabsan qurxinta iyo bilicda casriga ah, taas oo qayb ka ah horumarka dalalkan oo shirkaddayadu ku leh macaamiisha ugu badan ee qurxinta dhismayaasha,” ayuu yidhi Mr. Foosi Cabdillaahi Dirir.

Maamulaha oo ka hadlayey dhismayaasha ay casriyeynta ku sameeyeen Somaliland, waxa uu yidhi, “Dhismayaasha aannu casriyeynta ku samaynay waxa ka mid ah dhammaan kaalmaha shidaalka ee shirkadda HASS Petrolium, xarumo ka mid ah kuwa shirkadda Dahabshiil, xarumaha shirkadda Telesom ee Laascaanood ilaa Boorama, shirkadda Somtel oo iyadana aannu qurxinay xarumaheeda Laascaanood ilaa Boorama.”

Waxa kale oo uu sharraxaad ka bixiyey qaabka ay qurxinta ugu sameeyaan guryahay iyo waxyaabaha ay u adeegsadaan, “Guri aad u qadiim ah oo baaba’ ah ayaanu ku xidhnaa naqshaddii u dambaysay ee qurxinta casriga ah, markaa bilicda gurigaasi wuu isbeddelayaa gebi ahaanba, gudaha gurigana waxaannu u habaynaa dhawr nooc sida samaynta jibsanta, marinta rinjiyada casriga ah oo qurux badan.”

Mr. Fowzi waxa uu tilmaamay in qorshaha sannadkan cusub ee shirkadoodu yahay hiigsi ka fog halka ay waqtigan joogaan, “Sannadkan 2015-ka waxaannu noo qorshaysay in aannu dalalka Somaliland, Jabuuti iyo Putland ku soo bandhigno waxyaabo aad u qurux badan indhaha dadka cajabiya Isha Allah,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey maamulaha shirkadda qurxinta casriga dhismayaasha ee Horyaal Group (ALBAIT Decoration.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland







Click here
1/30/2015 11:16 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Dibadbax looga soo horjeedo sawir-gacmeedkii lagu aflagaadeeyey Nebi Muxamad (NNKH) ee lagu soo daabacay Wargeyska Charlie Hebdo ee kasoo baxa dalka France, ayaa maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

1/30/2015 11:13 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Ergayga Urur-goboleedka IGAD ee Somalia, Maxamed Cabdi Afey ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray ugu baaqay hay’adaha dowladda Somalia inay si wadajir ah u shaqeeyaan, golaha wasiirrada cusubna ay diiradda saaraan xasilinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

1/30/2015 10:28 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Kulan ay soo Qaban-qaabisay Hay'adda Horumarinta Haweenka ee IIDA oo kaashanaysay kooxda u doodda xuquuqda beelaha laga tirada badan ee magacooda loo soo gaabiyo (MGR) Minority Rights Group, isla markaana uu maal-galiyay Midowga Yurub ayaa maanta lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

1/30/2015 9:58 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa maanta si rasmi ah u soo dhaweeyay magacaabidda golaha wasiirrada cusub ee Somalia, kuwaasoo toddobaadkan gudihiisa uu magacaabiddooda ku dhawaaqay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid.

1/30/2015 9:33 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Qorayaal Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay ka soo muuqday munaasabadda bandhigga buugaagta oo maanta lagu qabanayo magaalada Qaahira ee dalka Masar, iyadoo wasiirka xilka sii haya ee warfaafinta Soomaaliya uu ku dhiirri-geliyay daabacayaasha Soomaaliyeed inay dadaal u galaan sidii ay qayb uga noqon lahaayeen bandhigyadan oo kale.

1/30/2015 9:03 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka dhawaajiyay in mashruuc dalka lagu dhisayo oo ay hogaaminayaan ganacsato Somali ah lagu billaabayo jidadka burbursan ee magaalada Muqdisho.

1/30/2015 8:42 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe ayaa maanta loo doortay hoggaamiyaha cusub ee Midowga Afrika, isagoo xilka kala wareegaya madaxweynaha Mauritania oo muddo sannad ah hayay xilkan.

1/30/2015 6:57 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Wasiirka amniga maamulka Puntland Xasan Cismaan Aloore ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta Markab hub siday oo dhawaan ku soo xirtay dekeda Barbera ee maamulka Somaliland,waxaana Puntland ay ka cabsi qabtaa in hubkaasi uu gacanta u galo ururka Al-shabaab ee ka dagaalama buuraha Gal-gala.

1/30/2015 3:45 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Wargayska The Mirror ee kasoo baxa dalka Britain oo soo xiganaya saraakiil sirdoon ayaa sheegay in Britain ay diyaarinayso ciidammo gaar ah oo nolosha ku qabta haweeneyda sida weyn loo raadinayo ee Samantha Lewthwaite oo u dhalatay dalka Britain, iyadoo la tixraacayo xogo uu bixiyay Zakariye Ismaciil Xirsi oo ahaa madaxii sirdoonka Al-shabaab, dhawaanna Muqdisho ka sheegay inuu ka baxay Xarakada Al-shabaab.

1/30/2015 3:18 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Shir-madaxeedka ururka Midowga Afrika ayaa maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya, iyadoo shirka sannadkan 2015-ka oo socon doona laba casho ay ka qayb-galayaan inta badan madaxda dalalka Afrika.

1/30/2015 3:01 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa xisbiyada kale ee KULMIYE iyo WADANI u jeediyay eedeyn, isagoo sheegay inay dib u dhigayaan inay doorashaddu wakhtigeedda dhacdo.

1/30/2015 2:55 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Hay’adda FIB-da dalka Mareykanka ayaa baadi-goob ku haysa ruux Soomaaliyeed oo lagu daray liiska kooxaha argagaxisda ah ee caalamka. Ruuxaas oo hay’addu ay dul-dhigtay madaxii lacag 50,000 oo doollarka Mareykanka ah.

1/30/2015 2:31 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa xalay rasaas ay ku kala dareeriyeen dhallinyaro ciyaar dhexmaraysay ku diriray ayaa wiil dhallinyaro oo wiilashii ciyaarayay ka mid ahaa ku dhacday, tasaoo sababtay inuu geeriyoodo.

1/30/2015 2:20 AM EST
Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Safiirka dalka Britain ee Soomaaliya Neil Wigan iyo wefti uu hogaminayo ayaa ka qayb galay kulan lagu soo badhigayey Riwaayad “Hamlet” oo la sameeyeyey sanadkii 1599, kaas oo uu hal abuuray abwaan uu dhashay Ingiriska ee William Shakespear.