4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 30, 2015
Jilayaal Ajanabi ah oo Xalay Ruwaayad kusoo bandhigay Magaalada Hargeysa

Jimco, Janaayo 30, 2015 (HOL) — Safiirka dalka Britain ee Soomaaliya Neil Wigan iyo wefti uu hogaminayo ayaa ka qayb galay kulan lagu soo badhigayey Riwaayad “Hamlet” oo la sameeyeyey sanadkii 1599, kaas oo uu hal abuuray abwaan uu dhashay Ingiriska ee William Shakespear.

Kooxdan Riwaayadda soo bandhigaysay ayaa xalay waxa ka soo qaybgallay dadweyne faro badan, siyaasiyiin, madaxda Dawladda iyo Ajanabiga Hay’adaha caalamiga ah ka shaqeeya, kuwaas si weyn ugu bogay Riwaayadan oo ka mid ah Sheeko uu qoray Abwaankii William Shakespear.

William shakespear oo ahaa qoraa iyo hal abuur hindisay riwaayado badan ka hor inta aanu dhiman bishi April 23, 1616, Sanadihii ka dambeysay geeridiisaa, waxa wadamada reer galbeedka loo xiisay dawashada riwayadaha uu ka hor intan aanu geeriyoon ee uu qoray sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen kooxdan Riwaayadihiisa ka dhigay aduunka oo dhan.

Weftigan uu hogamineyoo safiirka dalka ingiriska Mr. Wigan magacooga laa yidha “Globe to Globe Hamlet” oo isugu maray 70 wadan ku soo bandhigeen riwaayado kala duwan oo uu lahaa Shakespear, taas oo Somaliland ku noqonayso wadankii 70-aad sida ay sheegeen.

Urur dhaqameedka Red Sea Cultural Foundation oo ah urur xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa oo marti galiyey kooxdan ayaa sheegay in dib loo soo noolayn doono dhaqankii iyo Riwaayadihii Hargeysa caanka ku ahayd ee dadku xiiseyn jireen.

“Xaruntayaddu waxay ka shaqaysaa bandhigyo dhaqameedka, gabayada iyo sugaanta, waxayna soo qabanqaabisay bandhigan kooxda jilayaasha ah ee Globe to Globe Hamlet muddo laba sano boqonayey 70 dal ay ku jirto Somaliland. Rugtan Redsea foundation oo dhowr barnaamij ee ku saabsan dhaqanka iyo buugaagta sida Hargeysa Boog Fair ama bandhiga buugagta calaamiga ah, ee sanad walba lagu qabto dalka Somaliland gaar ahaan caasimada Hargeysa, kooxdana ka dambaysay inay dalka yimaadaan.”ayuu yidhi Agaasimaha Redsea Cultural Foundation Jaamac Muuse Jaamac.

“Kooxdan wax soo saarka ee Hamlet oo riwaayad ka soo dhigay 70 wadan iyaddoo diirada saaraysa inay riwaayadan ka dhigaan dhamaan 204 wadan ee aduunyadu ka kooban tahay. Sababta aan u dhigeyno riwaayadan oo xiiso weyn uu hayno, xiisahaas oo runtii in aanu la wadaagno caalamka ayaa nagu keliftay .”ayuuu yidhi Dominic Dromgoole oo ah madaxa jilaayasha kooxdan.

Bandhiga riwaayadan ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ay dalka ka dhigan koox jilayaal ka caan ah dunida ee dhinaca riwaayadaha oo haatan ugu yaraan 70 dal soo maray, xalayna riwaayadodii ugu horeysay ka dhigeen  magaaladda Hargeysa.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland