4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 29, 2015
KENYA: Macallimiintii kasoo Cararay Waqooyi Bari Kenya oo ka hawl bilaabay deegaanka Kilifi


Talaado, September 29, 2015 (HOL) — Toddobaatan ka mid ah Macalimiintii Wax ka dhigi jiray dugsiyada hoose iyo kuwa sare ee gobalka Waqooyi Bari dalka Kenya, ayaa u Wareegay Xarumo Waxbarasho oo ku yaallo Deegaanada ismaamulka Kilifi ee Gobalka Xeebta Kenya.

Macalimiintaan oo Markii hore Sannadkii aynu soo Dhaafnay ka Cararay Dhibaatooyin ay sheegeen iney kala kulmeen gobalka North Eastern Kenya, ayaa markii dambe diiday iney dib ugu soo noqdaan gobalkaas kadib markii 2-dii bishii April ee sanadkaan ay Al Shabaab weerar ku qaadeen Jaamacada magaalada Gaarisa oo ay ku dhinteen 147 arday.

Saraakiil ka tirsan Laamaha Waxbarashada Dalka Kenya, ayaa sheegay in Macalimiintu ay shaqadoodii dib oga balaabeen Kilifi, waxeyna intaas ku dareen in bilowgii xilligaan aysan qeyb ka aheyn Barayaashaas mudaharaadyada iyo muranka Macalimiintu ay ku dalbanayaan in mushaarkooda loo kordhiyo.

Sarkaal sare oo Guddiga Adeega Macalimiinta Kenya ee (TSC) u qaabilsan gobalka Kilifi oo lagu magacaabo David Ogutu, ayaa Warbaahinta u Xaqiijiyay in illaa 70 ka mid ah Macallimiintii Iskoolada dowlada ee gobalka Waqooyi bari ay hada ka howl-galaan deegaanada Kilifi.

“Toddobaatankan macallin, 30 ka mid ah waa macallimiinta dugsiga sare halka inta kalana ay yihiin Macalimiinta Dugsiyada Hoose iyo kuwa dhexe,” ayuu yiri David Ogutu oo ka hadlay Munaasabad lagu Qiimeynayay waxbarashada Gobalkaas oo dhawaan ka dhacday deegaanka Makuti Villa ee magaalada Kilifi.

Dhanka kale, Bilihii November iyo December ee sanadkii aynu soo dhafnay iyo bilowgii sanadkaan, ayaa weeraro masuuliyadooda ay sheegteen Al Shabaab oo ka dhacay qeybo kamid ah gobalka Waqooyi Bari Kenya oo qaarkood lagu laayay Barayaal, ayaa waxey sababeen in ilaa Kun Macallin ay ka carareen gobalkaas kadib markii ay sheegeen in naftooda aysan ku aamin karin.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya