4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 28, 2015
BAN KI-MOON: Haddii aan Gacmaha is-qabsano Waxaan Gaari karnaa Ahdaaf aan Xad lahayn


Isniin, September 28, 2015 (HOL) — Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon oo Maanta ka Hadlayay Shirkii 70-aad ee QM ayaa ka Dalbaday Dalalka Caalamka inay sameeyaan dadaallo Wadajir ah oo looga Miro-dhalin karo ujeedooyinkii ay horay loo saxiixay oo ay ka mid yihiin; In Caalamka laga Cirib-tiro Saboolnimada iyo in Dunida oo dhan laga Hirgeliyo Mustaqbal Waara.

Ban Ki-Moon ayaa Xusay in Haddii Gacmaha la is-qabsado aysan xad yeelan doonin Wax-yabaaha ay dunidu hanan karto, isla markaana lagu guuleysan karo ujeeddooyinka guud ee caalamka oo dhan uu doonayo inay natiijo wanaagsan ka gaaraan.

“Ujeeddooyinkeennu waa cad yihiin. Hadafkeennuna waa suuro-gal. Waxaanan doonayno waa inaan caalamka oo dhan ka ciribtirno saboolnimada marka aynu gaarno sanadka 2030-ka, si aan u helno nolol nabadgalyo iyo sharaf leh,” ayuu yiri Ban Ki-Moon.

Sidoo kale, Ki-moon ayaa hoosta ka xariiqay in Shirweynaha Qaramada Midoobay ee ay u Fadhiyaan Caalamka oo dhan Go’aanno Cad-cad looga gaarayo sidii loo Suuro-gelin lahaa ujeeddooyinka la doonayo in Sannadka 2030-ka la gaaro, kuwaasoo ay ka mid yihiin 17-qorshe oo xudun u ah Himilooyinka wax-ku-ool ah ee Salka ku haya Horumarka Waara oo uu Caalamka Gaaro.

“Waxaanu ku Xisaabtamayno hadda waa ballamada ku qoran Warqadaha oo aan doonayno inaan u bedelno ficil. Waa inaan wax ka qabanno barakaca shacabka caalamka qaarkood oo dalalkooda uga cararaya colaadaha,” ayuu Ban Ki-moon mar kale yiri.

Xoghayaha Guud ee QM ayaa intaa raaciyay. “Waxaan isugu nimid Shirweynahaan 70-aad ee QM inaan dib u eegis ku sameyno Sharciyada inoo yaalla, isla markaana aan Maqalnaa Codadka shacabkeenna. Taasina waa Tan keliya ee aan ku Noqon karno Wakiillo dhab ah, isla markaana aan gaano fursadaha nagu hareeraysan.”

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa khudbaddii sanad laha ahayd ee uu jeediyay ku sheegay in boqolaal milyan oo qof ay xilligan ku haystaan caalamka oo dhan xaalado bani’aadamnimo, sidoo kalena 60-milyan oo qof oo kalena lagu qasbay inay dalalkooda ka cararaan.

“Hay’adaha Gargaarka ee QM ayaa codsadeen 20-bilyan oo Doollar si ay wax uga qabtaan xaaladaha bani’aadamnimo ee Caalamka ka jira; laakiin dhaqaalahaas oo dhan lama helin. Waxayna Hay’adaha QM iyo kuwa kale ee la shaqeeya ay weli diyaar u yihiin inay dadka dhibaateysan caawiyaan. Dalalka Deeqaha bixiyana Waxaa ka Codsanayaa inay Gacan ka geystaan dhibaatooyinka haysta bulshada caalamka ku nool,” ayuu hadalkiisa ku daray Ban Ki-Moon.

Ugu dambeyn, Wuxuu ugu baaqay Waddamada Calaamka inay gacan ka geystaan sidii loo yareyn lahaa silica haysta shacabka ka barakacay waddamadooda iyo kuwa kale ee ay weli Dhibaatadu ku Haystaan Dalalkooda, Sida; Ciraaq, Yemen, Siiriya, South Sudan, Gambia iyo kuwo kale, waddamadaasoo shantii cunug oo kasta uu mid ka mid ah Xanuunsanayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya