4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 28, 2015
GUULEED: Waxaan diyaar u nahay in Ahlusunna aan ka qancino wax kasta oo ay naga Tabanayaan


Isniin, September 28, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo Axaddii shalay ahayd dib ugu laabtay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud ayaa mar kale ugu baaqay Wadahadal Maamulka Ahlusunna Waljameeca ee Gobollada Dhexe.

Guuleed oo maalmihii aynu soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho ayaa sheegay inuu u yahay diyaar inuu ku qanciyo maamulka Ahlusunna Waljamaaca wax kasta oo ay ka tabanayaan maamulkiisa.

“Waxaan doonayaa inaan baaq nabadeed u diro Ahlusunna Waljameeca, Taasoo ah inay Ajiibaan Wadahadalka Dowladda iyo Maamulka Galmudug si Horumar loo gaaro,” ayuu yiri C/kariin Guuleed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax kasta oo khilaaf ah lagu dhameeyo wadahadal, isagoo sheegay in maamulkiisu uu yahay maamul dib u heshiisiin.

Ahlusunna Waljamaaca oo xilligan maamusha Magaalada Dhuuso-mareeb oo ah xarunta Gobolka Galguduud iyo degmada Guriceel ayaa Maamulka Galmudug ka soo horjeestay, Waxayna Madaxweyne ku Doorteen Magaalada Dhuusa Mareeb, kaasoo ay sheegeen inuu ka talin doono Gobollada Dhexe.

Ugu dambeyn, Dhawaanahan waxaa jirtay xiisado colaadeed oo u dhexeeya Ahlusunna iyo Galmudug, taasoo ka dhalatay dagaal ku dhexmaray ciidammo kala taageersan Degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galguduud.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya