4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 28, 2015
Guddoomiyihii Maamulka Puntland ee Gobolka Mudug oo Maanta sheegay inuu Xilkii iska-cailay


Isniin, September 28, 2015 (HOL) — Gudoomiyihii Gobalka Mudug ee Puntland, C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa is-casilay, isagoo sheegay in Warqaddiisa is-casilaada uu maalmo ka hor u gudbiyay Madaxwaynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas.

Ereg ayaa sheegay in Madaxwayne C/weli Gaas uu ka aqbalay is-casilaadiisa, isagoo xusay in Is-casilaaddiisa uu Dhowr Maalmood ka hor u Gudbiyay Madaxweynaha Puntland.

C/qaadir Erag oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu xilka iska-casilay, isla markasna is-casiladdiisa uu Madaxwaynaha Puntland ka aqbalay, isagoo ku tilmaamay warar been ah in sababta uu isku casilay ay ahayd khliaaf soo dhex-galay Duqa Gaalkacyo iyo Madaxda Wasaarada Maaliyadda Puntland Waaxdeeda Gobolka Mudug.

“Xilka Guddoomiyaha Gobolka Mudug Waxaan Hayay Shan Bilood ah, isla markaana si Shaqsiyan ah ayaan u Go’aansaday inaan is-casilo, Waxaana iga go’an inaan ka shaqeeyo Danaha iyo Horumarka Gobalka Mudug,” ayuu yiri Guddoomiyihii Gobolka Mudug.

Ugu dambeyn, Mas’uulkan is-casilay wax faahfaahin ah kama bixin Sababaha ku kalliftay inuu xilkii uu u hayay Bulshada Puntland uu iska is-casilo, isagoo Xusay inuu Goor-dhaw Shaacin doono Sababaha uu isku casilay.

Si kasta ha ahaatee, Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Gaas ayaan weli ka hadlin is-casilaadda Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, maadaama Guddoomiyaha xilka uu sheegay inuu Warqaddiisii Is-casilaadda uu u gudbiyay Madaxweyne C/weli Gaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya