4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 28, 2015
Xukuumadda Britain oo Sheegtay inay Boqolaal Ciidammo ah u dirayso dalal ay ku jirto Somalia


Isniin, September 28, 2015 (HOL) — Xukuuumadda Britain ayaa sheegtay inay 370-askari ay u dirayso Somalia iyo Koonfurta Suudaan, taasoo qayb ka ah taageerada ay Britain siiso Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha dalka UK, David Cameron ayaa lagu wadaa inuu Hadalkaan ka sheego shir looga hadlayo Arrimaha Somaila oo Maanta ka dhacaya Xarunta QM ee New York, kaasoo ay marti-gelintiisa leeyihiin Ban Ki-Moon iyo Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay Weydiistaan 50-ka Madaxweyne oo Caalamka ka socda inay 125,000 oo Askari oo Dheeraad ah ku biiriyaan ciidamada Nabad-ilaalinta ah ee QM ka jooga Caalamka.

David Cameron ayaa wariyeyaasha ugu sheegay shalay Muqdisho in 70-askari oo ka mid ah ciidamadooda ay u diri doonaan Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo Caafimaad, Injineerro iyo kuwa Qalabeynta oo Caawinaya AMISOM.

Wuxuu dhanka kale RW Britain sheegay inuu u dirayo 300 oo askari Koonfurta Suudaan oo ay dagaallo sokeeye ka socdaan. Inkastoo aanu sheegin xilliga ay u dirayaan dalkaas boqolaalkan Askari.

“Waxaan filayaa in Britain ay kaalin weyn ka qaadan doonto Tababaridda, Qalabeynta iyo khirbad ku biirinta Ciidamada. Sidaa daraadeed Waxaan doonaynaa inaan horay u Qaadno Tallaabadan aan ku dhawaaqnay inaan qaadayno,” ayuu yiri David Cameron.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Soo kabashada Soomaaliya waa arrin wanaagsan, waana arrin u wanaagsan Britain. Tani waxay la minco tahay inay dhamaanayaan tahriibka Argagaxisada iyo Burcadbadeedda.”

Britain ayaa waxaa haatan 290-askari oo Nabad-ilaalin ah oo hoos imaanaya QM ay kaga sugan yihiin Qubrus. Iyadoo RW Britain uu sheegay inay ka go’an tahay inay xoojiyaan howlgaladooda Nabad-ilaalineed ee Caalamka.

Ugu dambeyn, Ciidamada ay UK u dirayso dalka Koonfurta Suudaan ayaa waxay 13,000 oo askari oo ka mid ah ay ka shaqeyn doonaan sidii dadka shacabka ah loo difaaci lahaa iyo sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen dhammeynta colaadaha sokeeye ee dalkaas ka jira.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya