4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 28, 2015
Shir Gaar ah oo looga Hadlayo Arrimaha Somalia oo Maanta ka Furmaya Magaalada New York


Isniin, September 28, 2015 (HOL) — Shir Gaar ah looga Hadlayo Arrimaha Somalia ayaa maanta ka furmaya xarunta Qaramada Midoobay ee New York, kaasoo ay Shir-guddoomin doonaan Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-Moon.

Waxaa lagu wadaa in shirkan ay kasoo Qayb-galaan Madax ka socda dalalka Caalamka Qaarkood, iyadoo diiradda lagu saari doono shirkan arrimo ay ka mid yihiin; siyaasadda, amniga iyo Hiigsiga Somalia ee 2016-ka.

Qodobbada looga hadli doono shirkan ayaa waxaa kaloo ka mid ah Qaabka loo wajahayo dhammaan howlaha horyaalla Somalia, kuwaasoo Dowladda Xilligan jirta laga doonayo inay ku dhameyso inta aan la gaarin dabayaaqada sannadka soo socda.

Mas'uuliyiinta Shirkan ka Qayb-galaya ayaa waxaa ka mid ah Ra'iisul Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke oo shalay ka dhoofay Muqdisho, iyadoo markii uu ka dhoofayay Dalka la sheegay inuu ka Qayb-galayo shir gaar ah oo looga Hadlayo Arrimaha Somalia.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa Kulammo Wuxuuu la Qaadan doonaa Dhamaan madaxda ay ciidamada ka joogaan Somalia, kaasoo looga hadli doono Ammaanka, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Somalia, Daa’uud Aweys.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa lagu wadaa inuu kulammo gaar ah la Qaato Boqorka Jordan iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Britain, David Cameron. Isagoo kala hadli doono sidii ay u caawin lahaayeen Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya